Calendar

Diyaaradaha Dagaalka oo Duqeeyay Jaziirada Kudhaa

BARTAMAHA – Diyaarada dagaalka ee dowladda Kenya ayaa duqaymo lagu bartilmaameedsanayay Dagaalyahanada Al Shabab ka gaystay Jaziirada Kudhaa.

“Xoogaga AMISOM waxay  qaadeen weeraro xaga cirka ah tanina waxay qeyb katahay siferynta alshabab quwadooda”warbixin kasoo baxday AMISOM ayaa sidaa lagu yiri .

Afhayeenka dhanka howlgalada Alshabab sheikh Abdulaziz Abu Musa oo Goorsii horeesay qadka telephonka ugu waramaye wakaalada wararke AFP ayaa sheegay in ay dileen dhowr kamid ah ciidamada kenya islamrkaana meedadkoodu ay daadsanyihiin halkii lagu dagaalamay,sida uu yiri.

Abu muscab ayaa sheegay in  duqeynta sababta keentay ay tahay kadib markii ay go’doomiyeen tiro kamid ah ciidamada Kenya .

Wakaalada AFP ayaa qoreesa in Deegaanka Caanoole duqeynta ay kafuliyeen diyaaradaha kenya lagu dilay 30- kamid ah alshabab halka jaziirada Kudhaa lagu dilay 50 alshabab iyaguna katirsan taa oo wadarta alshababka lasheegay in ladilay kadhigeeesa 80, halka dhanka kalle warbaahinta capital fm oo dalka kenya kutaala ay qoreeso in kabadan 100 alshabab ah in lagu dilay duqeyntaaasi,balse suurta gal maaha in simadax banaan loo ogaaado tirada isqilaafsan ee soo baxeesa.

Duqeyntan xaga cirka ah ayaa timid kadib markii shababku ay sheegteen weeraradii kadhacay magalada mpeketoni ee dalkaasi kenya oo ay kudhinteen ila 70-ruux ,waxayna saraakiisha ciidamada kenya sheegeen kadib weeraradaasi iney u aar gudi doonaan dadkii kenyattiga ahaa ee halkaasi shabaabku ay kudileen

Alshabab oo laga saaray magalada muqdisho 3-sano kahor ayey diplomasiyiintu waxay leeyihiin waxay qatar kuyihiin wadamada bariga qaarada Africa dhaca sida Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda, oo dhamaantood ciidamo ay kajoogaan Somalia.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: