Calendar

9-Qof oo lagu diley magalada Gaarissa

Magaladda Gaarissa ee gobolka waqooyi bari-Kenya ayaa waxa ka bilaabatey howl-gal balaaran oo amaanka la xiriira kadib markii lagu diley sagaal qofood.

Kooxo hubeysan oo ilaa hadda la aqoon ayaa weeraray Hotel ku jiraa dhex bartamaha magaladda Gaarissa halkaas oo rasaas ku fureyn dad meesha ku sugnaa iyagoo adeegsanayay qoryaha AK 47.

Dad dhowr ah oo ku dhaawacmey weerarka ayaa isbitaalka la geeyay.

Booliska waxa ay sheegeyn iney baxsadeen dadkii ka danbeeyay falka weerarka waxana ay xuseyn iney ku raadjiraan oo uu socdo baaritaan ladoonayo in lagu soo qabto.

Dadka la weeraray waxa ay daawanayeen TV-ga markii weerarka lala eeganayay sida ay sheegeen dad ka agdhawaay goobta xilliga uu falkaasi u dhacayay.

Ninka amaanka ka madaxda ah gobolka Waqooyi bari Kenya oo la yiraahdo Charlton Mutiithi ayaa xaqiijiyey in ku raadjoogaan dadkii geystey weerarka.

Horaantii bishan, ayay aheen markii arday lagu diley, saddex qof oo kalane lagu dhaawacay weerar ay kooxo hubeysan la eegteen meel ganacsi ahaa.

Weerarada ceenkaan ah ayaa aad ugu soo kordhaya gobolka Waqooyi bari Kenya halkaas oo booliskane ay isku dayayaan iney wax ka qabtaan dadka falalkaasi geysanaya.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: