Register  |  Login

Qarax Xalay ka dhacay Magaalada Gaal-Kacyo iyo Howlgalo Maanta Magaaladaasi laga sameeyay.

magaalada galkacyoBartamaha(Gaal-Kacyo):-Qarax Bambaano ayaa Xalay lagu weeraray Xarunta Wasaarada Maaliyada Maamulka Puntland Ee Woqooyiga Magaalada Gaal-Kacyo halkaasi oo qasaara uu ka dhashay.

Inta la ogyahay 1-qof ayaa ku dhintay 2-kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka gadaal markii Koox aan la qaban ay qarax ku weerareen albaabka hore ee Xarunta Wasaarada Maaliyada Puntland.

Qaraxa ayaa ahaa mid xoogan iyadoo Ciidamada Ilaalda Xarunta Wasaarada ay rasaas fureen xiliga qaraxa uu dhacay ka dib wallow aan la garan cida qaraxyadaasi lagu tuhmay.

Ciidamada Booliiska ayaa Maanta howlgal ka sameeyay gudaha Magaalada Gaal-Kacyo iyagoo ku raadjooga Ciidamadaasi Kooxihii geystay falkii qaraxa ahaa ee Xalay Magaalada ka dhacay.

Illaa haatan lama oga howlgalka Ciidamada cida ay ku soo qabteen marka laga reebo qaraxyada iyo dilalka oo dhawaanahan Gaal-Kacyo ku soo badanayay iyadoo inta badan ay Ciidamada iyo Talisyadooda ay sheegaan in ay ammaanka adkaynayaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

advertisement

Leave a comment

Add your comment below, or trackback from your own site. You can also subscribe to these comments via RSS.

Your email is never shared. Required fields are marked *

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree