Register  |  Login

Maamulka Xarakada Alshabaab Kismaayo oo fuliyay Xukuno Tacsiir ah

tacsiirBartamaha(Kismaayo):-Maamulka Xarakada Alshabaab Magaalada Kismaayo ayaa fuliyay Xukuno kala duwan oo tacsiir ah.

Illaa 10-ruux oo dinbiya kala duwan lagu Eedeeyay ayaa Xukuno tacsiir ah lagu fuliyay fagaaraha beerta Xuriyada Ee Magaalada Kismaayo.

Dadka lagu tacsiiray fagaaraha Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la sheegay in ay qaarkood ahaayeen kuwa lagu soo qabtay daawashada Aflaamta Mobilada lagu shubto.

Dhalinyarada fagaaraha lagu xukumay ayaa waxa ay noqonyaan tiradii ugu badnayd ee mar qura Magaalada Kismaayo lagu tacsiiro.

Ma aha markii ugu horeysay ee la xukumo dhalinyaro lagu Eedeeyo daawashada aflaamta anshax  darada ah oo Magaalada Kismaayo laga mamnuucay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

advertisement

Leave a comment

Add your comment below, or trackback from your own site. You can also subscribe to these comments via RSS.

Your email is never shared. Required fields are marked *

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree