Register  |  Login

Dowlada Ugandha oo Cabsi la soo derestay iyo dhalinyaro Soomaali laga shakiyay oo lagu waayay gudaha Kampala.

 

ugandaaaBartamaha(Kampala):-Dowlada Ugandha ayaa waxaa la soo dersay Cabsi xoogan ka dib markii dhalinyaro haysata dhalashada Britain lagu waayay gudaha Kampala.

Sida uu daabacay Wargayska The New Vision ee ka soo baxay Kampala waxaa laga shakiyay Saddex dhalinyaro haysata dhalashada Dalka Ingiriiska kuwaasi oo laga waayay gudaha Kampala.

Dhalinyarada Saddexda ah ayaa laamaha ammaanka waxa ay uga shakiyeen in ay maleegaan qaraxyo dalkaasi ka dhaca kuwaasi oo xilli lagu raadjoogay laga maayay guud ahaan Kampala.

Laamaha Ammaanka ayaa waxa ay weli wadaan baaritaano ku wajahan dhalinyaradaasi Soomaalida aslkoodu yahay balse haysata dhalshada Britain.

Dhawaanahan waxaa socanayay baaritaano xoogan oo ku wajahan Soomaalida ka dib markii Kooxda Alshabaab ay ku hanjabtay in ay weeraro ka geysanayaan Kampala iyo Bujanbuura.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

advertisement

Leave a comment

Add your comment below, or trackback from your own site. You can also subscribe to these comments via RSS.

Your email is never shared. Required fields are marked *

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree