Register  |  Login

Shil gaari qasaara sababay oo ka dhacay Gudaha Degmada Afgooye.

 

shil-gaariBartamaha(Afgooye):-Shil gaari sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka ka dhacay Wadada Baar Ismaaciil gudaha Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/hoose halkaasi oo qasaara uu ka dhashay.

Shilka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay laba gaari oo iskula dhacday gudaha Degmadaasi Afgooye ka dib markii ay isaga horyimaadeen Wadada Ciriiri ah xilli ay Xawaare ku socdeen.

Laba qof ayaa dhaawac Culus uu ka soo gaaray shilka gaariga iyadoo uu dhintay qof kale oo wadada marayay ka dib markii shilka uu ka dhacay goob ay dadka ku badanyihiin.

Dhawaanahan waxaa ku soo kordhayay shilalka gawaarida Deegaanadaasi u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye halkaasi oo wadada ay ciriir ka tahay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

advertisement

Leave a comment

Add your comment below, or trackback from your own site. You can also subscribe to these comments via RSS.

Your email is never shared. Required fields are marked *

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree