Register  |  Login

Lamanaha u dhashay Britain Ee lagu haysto biyaha Soomaaliya oo rajjo xumo ka muujiyay noloshooda danbe.

doontaBartamaha(Xarardheere):-Lamaanaha u dhashay Wadanka Britain ee lagu haysto Xeebaha Soomaaliya ayaa rajjo xumo ka muujiyay mustaqbalka noloshooda.

Paul and Rachel Chandler ayaa ah Lamaane u dhaslay wadanka Ingiriiska oo lagu haysto biyaha Soomaaliya kuwaasi oo Filin laga soo duubay ku sheegay in ay halis ugu jiraan in la dilo dhawaan haddii aan la badbaadin.

Paul ayaa isagoo hadlayay waxa uu sheegay in ay noloshooda halis ku jirto islamarkaana uu dilqaadka ka sii dhamaanayo Burcad Badeeda Soomaalida ee xiligan gacanta ku haysa.

Muuqaalka ayaa waxaa ka muuqanayay Nin hubaysan oo barbar taagan Lahaystayaasha Lamaanaha Britishka ah kuwaasi oo muujinayay qatarta haysata haddii aan madax furashada laga dhiibin.

Paul iyo Rachel ayaa haatan waxaa laga doonayaa in laga helo illaa 7-Milyan oo Doolar haddii aan xiligan laga dhiibina ay halis galayso nolosha danbe ee Lamaanayaashaasi oo cabsi muujinayay.

Dowlada Ingiriiska ayaa waxa ay horey u sheegtay in aanay marnaba madax furasho ka dhiibaynin lamaanaha lagu haysto Xeebaha Xarardheere Ee Dalka Soomaaliya ka dib markii laga soo qabsaday bilyaha Jasiirada Sishalis.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

advertisement

Leave a comment

Add your comment below, or trackback from your own site. You can also subscribe to these comments via RSS.

Your email is never shared. Required fields are marked *

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree