Register  |  Login

Alshabaab Kismaayo oo xukun tacsiir ah ku fulisay Laba dhalinyara ah

tacsiirBartamaha(Kismaayo):-Maxkamada Wilaayada Islaamiga ah Ee Alshabaab Jubooyinka ayaa xukun tacsiir ah ku fulisay laba dhalinyara ah gudaha Magaalada Kismaayo.

Dhalinyarada xukunka lagu riday ayaa waxaa la sheegay in ay daawanayeen Aflaamta anshax darada ah Mobail ay haysteen oo halkaasi lagula dhiftay tacsiir lagu xukumay.

Maxkamada ayaa xukunta Tacsiirta ah ku fulisay labada wiil oo lagu kala magacaabayay Ciise Maxamed iyo  Nuur C/raxmaan Cabdulle  kuwaasi oo qirtay sida fagaaraha laga sheegay dinbiga ay galeen.

Maamulka Maxkamada ayaa u sheegay dadka reer Kismaayo in aan la maqli Karin dhawaqa Music iyo Heeso ku soo dhacaya Mobailada iyagoo ka dalbaday in ay ku shubtaan Mobiladooda Anaashiida iyo Qur’aanka.

Ciidamada Alshabaab ayaa waxa ay inta badan baadi goob ugu jiraan soo qabashada dhalinyarada lagu helo daawashadada Aflaamta Hindiga iyo kuwa kale iyo sidoo kale Memeriyada Heesaha laga helo .

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

advertisement

Leave a comment

Add your comment below, or trackback from your own site. You can also subscribe to these comments via RSS.

Your email is never shared. Required fields are marked *

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree