Register  |  Login

Wargelin (11/21/09) Wiilal dad weeraraya, haweenay Madaxweyne?, Nicholas Cage, SOS, Dharbaaxo & Siyaado

WARGELIN 6 BARTAMAHAWaa mar kale iyo Barnaamijkii la wada sugi jiray todobaad walba iyo Wargelin. Todobaadkan waxaanu kusoo qaadanaynaa qeybo kala duwan oo idin xiiso galin doona, haddaba yaanan hadal idinku daalinine aan idiin faahfaahiyo.

Waxaan idiin haynaa Video ay dhallinyaro Soomaali ah ay iska duubeen iyagoo dad ku weeraraya dariiqyada magaalada St Paul iyo Minneapolis ee Maraykanka, taasoo ay dad fara badani ka caroodeen, waxaa kaloo idiin haynaa waraysi aan la yeelanay ninkii ugu horeeyay ee isu soo sharaxa gudoomiyaha xaafada 6aad ee magaalada Minneapolis, dhanka kale waxaa todobaadkan soo booqday burcad badeeda Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiga Mombasa, Kenya qof caan ah.
Dhanka kale waxaan weyniinay Kobra Keyse haweenay Soomaaliyeed madaxweyne ma noqon kartaa?, barnaamijkeena maanta kama marna waxyaabaha idinka yaabin doona ha noqoto qeybta “Maxay ka wadeen markay samaynayeen!!!” iyo waliba fiidiyoowga todobaadka oo isaguna xiiso leh, intaas iyo in kaleba waxay ku jiraan barnaamijka maanta oo ah todobaadkii 6aad.

advertisement

One Trackback

Leave a comment

Add your comment below, or trackback from your own site. You can also subscribe to these comments via RSS.

Your email is never shared. Required fields are marked *

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree