Register  |  Login

War Deg-Deg ah:-Dagaal xoogan oo xiligan ka qarxay Kuliyada Jaale Siyaad iyo Madaafiic Caawa ku socota Xaafadaha Muqdisho.

breaking-news bartamahaBartamaha(Muqdisho):-Dagaal xoogan ayaa xiligan ka socanaya Ex-Kuliyadii Jaale Siyaad Wadada Warshadaha Muqdisho.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxa uu bilowday abaara 8:30-Mirir Ee Caawa kaasi oo weli ka socanaya goobaha ay isaga soo horjeedaan Amisom iyo Islaamiyiinta.

Weerar aan sidaa u xoogbadnayn ayay galabta Islaamiyiinta Mucaaradka ku qaadeen Kuliyada Jaale Siyaad iyadoo haatan dagaal kale uu dib u qarxay.

Xiligu waa habeen Magaalada Muqdisho wax dhaqdhaqaaq ah iskuma furno dhawaqa Madaafiicdana waa la maqlayaa lamina oga dagaalkan danbe Ee haatan socanaya Caawa waxa uu salka ku hayo.

Madaafiic u muuqata duqeyn ula kac ah ayaa Magaalada Xaafado ka mida ku socanaysa iyadoo aan la ogayn qaabka duqeynta iyo meelaha gaarka ah ee lala beegsanayo.

Wixii Faah-Faahin ah kala soco Bartamaha.Com.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

advertisement

Leave a comment

Add your comment below, or trackback from your own site. You can also subscribe to these comments via RSS.

Your email is never shared. Required fields are marked *

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree