Register  |  Login

Maamulka islaamiga ah ee magaalada kismaayo oo maanta sameeyay howlgalo lagu burburinayo dhismaha sida sharciga darada ah uga dhisan hareeraha wadooyinka,

bartamaha

Bartamaha(kismayo):-Howlgadalani lagu burburinayo dhismooyinka sida sharci darrada ah uga dhisan hareeraha wadooyinka ayaa waxaa saaka laga fuliyay qaar kamid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada kismaayo ee xarunta gobolka j/hoose.

Waxaa maalmihii lasoo ay wadeen Maamulka islaamiga ah ee magaalada kismaayo digniino kala duwan kuwaas oo ay siinayeen dadka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo iyagoo soo rogay amar o ka dhan ah dhismiyaalka sida sharci darada ah uga dhisan hareeraha wadooyinka kuwaas oo keeni kara cariiri iyo jam ku yimaado wadooyinka waa weyn ee ay dadka isticmaalaan,

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeesay oo ay Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ay sameeyaan howlgalo lagu nadiifinayo wadooyinka waa weyn ee magaalada kismaayo kuwaas oo ka dhan ah mehradaha sida sharci darada ah oga dhisan wadooyinka waa weyn ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose.

 

Wararka  Xaqiiqda ah  kala soco Bartamaha.com 

Kismaayo-Somaia

advertisement

Leave a comment

Add your comment below, or trackback from your own site. You can also subscribe to these comments via RSS.

Your email is never shared. Required fields are marked *

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree