Register  |  Login

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo maanta ka ambabaxay Muqdisho.

sdsdBartamaha(Muqdisho):-Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalka Saudi Arabia.

Wafdiga ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa ay Magaalada Muqdisho ka dhoofeen duhurnimadii maanta iyagoo ku sii jeeda dalka Saudi Arabia sida uu saxaafada u sheegay  Madaxa Warfaafinta ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa la filayaa in uu ka qeybgalo shirka Wadamada Somali Contacty Group kaasi oo ka furmaya  Magaalada Jidda Ee Dalka Sucuudiga.

Cabdi Xaaji Goobdoon oo Saxaafada uga warbixiyay safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu shirkaasi Somali Contecty Group uu ka qeybgalayo ka dibna uu booqan doono Dhaawacyada maanta la geeyay dalkaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

advertisement

Leave a comment

Add your comment below, or trackback from your own site. You can also subscribe to these comments via RSS.

Your email is never shared. Required fields are marked *

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree