Register  |  Login

Cambaarayn loo jeediyay gudoonka Baarlamanka iyo Caafimaadka Xildhibaan shalay la dhaawacay oo laga dayriyay.

04Bartamaha(Muqdisho):-Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Dowlada Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhaawac shalay loo geystay Xildhibaan Baarlamanka ka mida .

Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka ayaa waxa ay dhaleeceen culus u jeediyeen gudoomiyaha Baarlamanka markii uu shalay ka hadlay dhaawac loo geystay xildhibaan Baarlamanka ka mida.

Xildhibaan Saalax Maxamed Nuur Badbaado ayaa dhaleeceeyay Gudoomiyaha Baarlamanka isagoo sheegay in anu masuuliyad iska saarin ammaanka Mudanayaasha islamarkaana uu si qaldan uga hadlay dhaawaca gaaray Xildhibaanka.

Dhinaca kale waxaa laga dayrinayaa Xaalada Caafimaad Xildhibaan C/risaaq Maxamed Yuusuf oo shalay uu rasaas ku dhiftay askari Booliiska Dowlada ka tirsan muran soo kala dhexgalay ka dib.

Xildhibaanka ayaa waxa uu yaala Isbitaal ku yaala Xalane oo ay mamulaan Ciidamada AMisom iyadoo xaaladiisa guud laga dayrinayo sida ay sheegeen qaar ka tirsan Mudanayaasha Baarlamanka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

advertisement

Leave a comment

Add your comment below, or trackback from your own site. You can also subscribe to these comments via RSS.

Your email is never shared. Required fields are marked *

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree