Register  |  Login

Sargaal u shaqeynayay hay’ad Samafal Wadani oo Xalay lagu dilay Degmada Balad-Xaawo Gobolka Gedo.

balad xaawoBartamaha(B/Xaawo):-Kooxo aan la garan ayaa xalay waxa ay dileen madaxii hay’ada samafalka Waayeelada Gobolka Gedo xilli uu ku sugnaa gurigiisa Degmada B/Xaawo.

Cusmaan Maadey o ah Ninka la dilay ayaa la sheegay in uu in mudda ku sugnaa Degmadaasi B/Xaawo markii la soo saaray amaro ka dhan ah qaar ka mida hay’adaha samafalka.

Kooxda dilka geysatay ayaa waxa ay u galeen guriga uu ninkaasi daganaa iyadoo rasaas ay madaxa kaga dhifteen markii ninkaasi uu albaabka ka furay ragga dilka u geysanayay Cusmaan Maadey.

Dilka Masuulkaasi hay’ada Daryeelka Waayeelada ayaa waxa uu imaanayaa xilli Alshababa ay albaabyada u laabeen xaruntii lagu xanaanayn jiray Waayeelada Eek u taalay Balad-Xaawo.

Dilka ninkaais ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhawaanahan Kooxo aan la garan ay waraaqo digniin ah u daadinayeen dhammaan dadka xiriirka la leh hay’adaha Samafalka nuuc waliba oo ay yihiin.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

advertisement

Leave a comment

Add your comment below, or trackback from your own site. You can also subscribe to these comments via RSS.

Your email is never shared. Required fields are marked *

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree