Register  |  Login

Balad-Weyne oo Xalay bandow lagu soo rogay iyo Xaalada duleedka Magaalada oo saaka dagan.

baladweyneBartamaha(B/Weyne):-ururka Xizbul Islaam ayaa Xalay bandow ku soo rogay Magaalada Balad-Weyne Ee Gobolka Hiiraan halkaasi oo shalay duleedkeeda uu dagaal ka dhacay.

Ciidamada Xizbul Islaam ka tirsan oo aad u badan ayaa xalay magaalada lagu soo daadiyay iyadoo dadka lagu wargaliyay in magaalada Bandow ay tahay oo aan dhaqdhaqaaq la samayn Karin.

Bandowga Magaalada ayaa illaa haatan waxa aan la ogayn inta uu saarnaan doono iyadoo rsaas xoogan magaalada koonaheeda laga maqlayay taasi oo aan la ogayn cidda ay u dhexeysay.

Deegaanka lagu dagaalamay Ee WaadiGA Xujuub ayaa saaka dagan iyadoo dhaqdhaqaaqyo laga dareemayo deegaano kale oo ka mida Gobolkaasi Hiiraan oo ay Ciidamo soo buuxiyeen

Wixii ku saabsan xaaladaha Gobolka Hiiraan kala soco Bartamaha.Com

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

advertisement

One Comment

  • Hiiranian
    December 28, 2009 | Permalink |

    Fadlan markaad B/weyne ka hadleydaan isticmaala masawirka cusub kadib markii aargada la dayactirey ah waxaad mar walba isticmaashaan masawir duq ah oo 16 sano ka hor ah. Mahadsanidiiin

    Daadir

Leave a comment

Add your comment below, or trackback from your own site. You can also subscribe to these comments via RSS.

Your email is never shared. Required fields are marked *

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree