Register  |  Login

Ciidamada Itoobiya oo dad ka kaxeestay Degmada Ceel-Barde Ee Gobolka Bakool iyo shir halkaasi ka dhacay.

ethiopia_army_Bartamaha(Ceel-Barde):-Ciidamada itoobiyanka ah ee shalay soo galay Gobolka Bakool ayaa Xalay halkaasi dad badan ka qabqabtay kuwaasi oo loo dhaadhiciyay Gudaha Ethiopia.

Degamada Ceelbarde oo ay ciidamadaasi shalay soo buuxiyeen ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay halkaasi dad ka qabqabsadeen markii loo sheegay in ay alshabaab la shaqeeyaan.

 Dadka la qabqabtay ayaa waxa ay ahayeen qoys dhan oo ku noolaa degmadaasi kuwaasi oo qaar ka mida wiilashada ay dhaleen la sheegay in ay la shaqeeyaan alshabaab.

Ciidamada Ethiopianka ah ayaa waxa ay wadaan qorshayaal ay ammaanka deegaankaasi kula wareegayaan islamarkaana ay qabqabanayan dhammaan dadk ay uga shakisanyihiin in ay la shaqeeyaan Alshabaab.

Kulan xasaasi ah ayaa xalay ka dhacay Degmada Ceel-Barde markii ay wada fariisiteen Saraakiisha Dowlada iyo kuwa Ciidanka Ethiopia oo ay ka wada hadleen dhanka ammaanka.

 Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

advertisement

Leave a comment

Add your comment below, or trackback from your own site. You can also subscribe to these comments via RSS.

Your email is never shared. Required fields are marked *

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree