Register  |  Login

War Deg-Deg ah:-Alshabaab oo Muqdisho ku soo bandhigtay Sargaal iyo Hub uu Dowlada kala soo goostay.

alBartamaha(Muqdisho):-Kooxda Alshabaab ayaa maanta Muqdisho ku soo bandhigtay Saraakiil iyo Hub uu Dowlada kala soo goostay.

Kooxda Alshabaab ayaa soo bandhigtay Sargaal Dowlada ka soo goostay kaasi oo ay la socdeen Ciidamo kooban iyagoo watay in ka badan 50-qori sida ay saxaafada u sheegeen Alshabaab.

Sargaalka Alshabaab u soo goostay  ayaa lagu magacaabaa Baashi Cumar Urur  kaasi oo ka soo  tagay Xarunta Warshadii Nac-naca ee magaalada Muqdisho halkaasi oo Madaxweynaha dhawaan ku soo booqday.

Afhayeenka alshabaab Cali Dheere ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay ku soo biiritaanka Sargaalkaasi Dowlada ka soo tagay kaasi oo uu sheegay in uu la shaqeyn doono Alshabaab.

Wixii faah-faahin ah ee ka soo baxa Sargaalka la soo bandhigay iyo hadalka ay Dowlada ka soo saarto Warbaahinta Bartamaha.Com ayaad kala socon kartaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

advertisement

One Comment

  • sucdi
    February 8, 2010 | Permalink |

    MAANTAAD NOO KEENTEEN HUBKIINA IN TIRAAHDAAN ASKARI DALADDA KA SOO BAXSADAY BAA KEENAY CAQLI DARADIINA DADKA YUU IDINLA YAABIN TAASI CIDNA AQRISAN MEEYSO.SHABAAB QULQULA WAQTIGIINA WAA DHAMAADAY TOWBADA ALAH HA IDIN TUSO.ALI DHEERE IYO WIXII RAACSAN ILAAHEEY CUDUR EEY KA KICIN HA KU RIDO WAAYO UMAAD MASAAKIIN AH BEEY MAALIN KASTA XASUUQAAN.

Leave a comment

Add your comment below, or trackback from your own site. You can also subscribe to these comments via RSS.

Your email is never shared. Required fields are marked *

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree