Register  |  Login

Indha Cadde:Cuduro Halis ah ayay ka qaadeen Dagaalkii ay nala galeen

indhacade-290x280Bartamaha(Muqdisho):-Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga Dowlada KMG ah ayaa sheegay in ay musiibo ku dhacday Ciidamada Alshabaab oo uu sheegay in ay cuduro ka qaadeen dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Yuusuf  Maxamed Siyaad Indha Cadde Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ayaa sheegay in dagaalkii shalay iyo maalintii ka horaysay ka dhacay Muqdisho ay ku la’deen Ciidamada Alshabaab islamarkaana ay cuduro u dhinteen qaar ka mida.

“Cuduro Halis ah ayay ka qaadeen Dagaalkii ay nala galeen waa iska dhimanayaan waa musiibo,qaar baa intay barareen iska dhintay oo saraakiil ajaanib ah ay ku jiraan oo jirkooda googo’ay,  haa waxaa yaraaday dhaawac ahaantooda waxaa allle ku riday musiibo” ayuu yiri Indha Cadde.

Hadalka Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ayaa imaanaya xilli Ciidamada AMisom ay shalay dagaal qaraar la galeen Alshabaab oo ay adeegsanyeen Taangiyada dagaalka taasi oo shaki ku abuursaya hadalka Indha Cadde oo dad badan ay u fasirteen Hub halis ah in ay adeegsadeen Dowlada iyo Amisom.

Xafiisk Bartamaha Wararka Soomaaliya

Bartamaha.Com

Muqdisho, Somaaliya.

advertisement

One Comment

  • Shiilaale
    March 14, 2010 | Permalink |

    waxaad moodaa indha cade inuu caruur usheekaynayo waxuu awood ka dhiganayaa hadal
    insha alaah waxaa qurmi doona oo fuuri doona asaga iyo adoonta gaalada ah ee uu ushaqeeyo.
    sayid kii baa laga sheegay inuu yiri ( ha karaamo seegina habaar laygu kari waaye )
    munaafaq ilaahay ka furtay oo aan xishoon ninkii rabow indha cade arag

Leave a comment

Add your comment below, or trackback from your own site. You can also subscribe to these comments via RSS.

Your email is never shared. Required fields are marked *

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree