Register  |  Login

Gudoomiyihii Dowlada ee Gobolka Gedo oo xilka laga qaaday.

doolowBartamaha(Doolow):-Maamulkii Dowlada ee Gobolka Gedo ayaa go’aan ka gaaray Gudoomiyihii Gobolkaasi oo maanta xilka si toos ah looga qaaday.

Gudoomiyihii Gobolka Gedo Gedo Xuseen Sheekh Maxamed ayaa xilka si toos ah looga qaaday ka dib markii lagu eedeeyay in uu dalka ku soo laaban waayay oo uu Nairobi saldhigtay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Gedo Cabdi Bare Cabdi ayaa saxaafada la soo xiriiray isagoo sheegay in ay xilka ka qaadeen gudoomiyihii Gobolka markii uu dalka ku soo noqon waayay oo uu shaqdiisa dayacay.

Kulan ka dhacay Deegaanka Doolow ayaa waxaa Gudoomiye loogu doortay Gobolka Gedo loo doortay Maxamed Cabdi Kaliil waxaana ku xigeeno look ala magacaanay Cabi Bare Cabdi iyo masuul kale.

Deegaanka Doolow waxaa ku sugan oo ku dhabar adeegay in aanay dalka ka bixina go’aansaday masuuliyiin badan oo Dowlada ka tirsan kuwaasi oo shaqooyinkii ay ka sii hayeen deegaanada sii watay.

Gobolka Gudoomiyaha loo magacaabay waxaa haatan intiisa badan ka taliya Kooxda Alshabaab oo aan u ogaalin madaxda Goboilkaasi in ay ka soo dhaqaaqaan Deegaanka Doolow oo ay ka wadaan diyaar garow aan dhammaad lahayn.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

advertisement

Leave a comment

Add your comment below, or trackback from your own site. You can also subscribe to these comments via RSS.

Your email is never shared. Required fields are marked *

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree