Register  |  Login

Ciidamada dowladda Fd Soomaaliya oo dhaqdhaqaaqyo ka wada Bariga Magaalada B/Weyne iyo Ciidamada gacanta ku haya galbeedka magaaladaasi oo heegan galay.

ciidamada-dkmg-ahBartamaha(Muqdisho):-Ciidamadan oo ah kuwa dowlada Fd Soomaaliya ayaa xalay fiidkii hore waxa ay soo galeen Magaalada B/Weyne iyagoo ka soo dhaqaaqay dhanka buurta 110 ee duleedka ka ah magaalada B/weyne halkaasi oo ay isku aruursadeen ka dib markii ay ka soo tageen deegaanka Kala-Bayr.

Ciidamadan oo ku libisan dareeska askarta dowolada ayaa waxa ay wateeg gaadiidka dagalka iyagoo xalay ilaa saaka waday howlo ay ugu dhawaanayaan dhanka Galbeedka magaaladaasi si ay u galaan dhufaysyadii ay joogi jireen askartii maxkamadaha dowlada raacsanaa kuwaasi oo awoododa xagga maamulka la moodo in ay sii daciiftay ka dib khilaaf xagga maamulka ah oo hal;kaasi ka taagan.

ilaa haatan lama oga ujeedada ka danbeysay askartan kuwa dowlada ah ee soo galay magaaladaasi B/Weyne isla mar’ahaantaana bilaabay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ku wajahan dhanka xoogaga mucaaradka ee awooda ku leh dhanka Galbeedka B/Weyne.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.

advertisement

Leave a comment

Add your comment below, or trackback from your own site. You can also subscribe to these comments via RSS.

Your email is never shared. Required fields are marked *

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree