Calendar

Abaal marin la gudoon siiyay Xaawo Aadan

Xaawo Aadan oo haweeynay Soomaaliyeed oo gargaarta haweenka Soomaaliyeed ayaa la gudoon siiyay abaal-marinta sanadlaha ah ee Nansen Refugee Award.

Xaflad lagu gudoonsiinayay abaal-marinta Xaawo Aadan ayaa ka dhacday magalda Nairobi iyadoona goob joog ka ahaa wakiilka UNHCR ee Soomaaliya.

Bishii September, 18-dii ayaa Qaramada Midoobe waxa ay sheegtey iney Xaawo Aadan ku guuleysatey abaal-marinta Nansen Refugee Award oo la siiyo dadka loo aqoonsado iney taakuleynayaan qaxootiga.

Xaawo Aadan oo shaqsi aheenteeda horey u aheed qaxooti waxa ay kusoo laabatey wadanka Soomaaliya halkaas oo sanadkii 1995-tii howlo sama-fal ah ka bilowday goboladda Jubooyinka iyadoona markaas ka dibna u wareegtey magalada Gaalkacyo.

Xaawo waxa ay ka furtey Gaalkacyo xarunta wax lagu baro hawey-ka taas oo dhiira-galin iyo dib kabasho loogu sameyo hawey-ka la dhibaateyo.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: