Calendar

AC Milan Oo Albaabada u furtay Mario Bolotelli

balotellinewsMilano:BalotelliKooxda Kubadda Cagta Ee AC Milan ayaa albaabada u furtay Weeraryahaanka jecel inuu mar walba xirto Funaanadad AC Milan Ee Mario Balotelli’.

Madaxda ugu sarayso Kooxda Milan ayaa u fasaxday in Boleteli uu kusoo biiri karo Garoonka Sansirio Stadium xilli Boleteli uu dhowr jeer ku cel celiyay inuu jecelayahay Naadiga Mailano ka dhsian inuu xirto Maaliyadeeda.

Wakilka Xidigani Madowga ah Ee Mino Raiola  ayaa sheegay in Mario uu jecelyahay Naadigisia Manchester City hadana laga yaabo inaan u wareegno AC Milan waxuuan sheegay wakiilka in xillgan uu Boleteil ku qanacsanyahay City Stadium.

Xidigan qaatay Dhalashada Madowga ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay Ciyaaryahaan aad u cara badan hadana xilli walba qaata Calaamadda Casaanka marka uu garoonka ku jiro, waana sababta Xulka Talyaaniga looga tagay.

“Waxuu Mario galay Xilli xun, laakin saxaafadaha Ingiriiska ak jira ayaa buun buuniya dabeecadda uu MArio Boletelli leeyahay, dabcan waxa ka dhaxeeya isaga io Macalin MAncini waa dhibaato jirto laakin waxaasi wa alaag gudbaa,” ayaa alga soo xigtay Boloteli.

Mino Raiola oo ah Wakiilak Boleteli ayaa la weediiyay sababihii looga reebay Xulka Talyaaniga ayaa ku jawaabay? “dabcan Macalin Ceser Brandali isaga ayaa leh ayaa go’aanka Ciyaartoydisa iyo Dooqa, laakin aniag waxaa ogahay in qadka Telephoneka kuwada sheekesteen Barandeli iyo Bolotelli waxuuna ahaa wada sheeko meel fiican ku dhamaaday ayuu Mino Raiola u sheegay Sky Sport 24

Wakiilka ayaa hadalkiisa kuso gabagabeeyay in Boloteli laga yaabo inuu maalin xirto Funaanadad AC Milan si uu boos joogto ah ugu helo Xulak Qaranka Talyaaniga.

Balotelli ayaa horay ugu so dhaqaaqay Kooxda Inter kadib markii dhowr jeer ee is qilaafeen Macalinkii hore e Kooxda Inter, Jose Morinho oo haatan macalin u ah Real Madrid.

C/Qadar Shakra

Comments

comments

Category : Sports, Wararka Maanta.
« »

Comment: