Calendar

Al Shabaab oo ka hadalay dagaalo ka kala dhacay Gobolada Banaadir iyo Gedo

ssAfhayeenka Dhinaca howlgalada Xarakada Al-Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab ayaa waxaa uu ka hadlay dagaal ay la galeen ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika Ee Amisom,waxaa uuna sheegay inay ciidamo fara badan ay ku dileen dagaalkii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Degmada Buurdhuube Ee G/Gedo.

Abuu Muscab ayaa ku faanay inay xiligan awoodo ay yaraatay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM,waxaa uu ku hanjabay inay Sii wadi doonan dagaalka ay kal Soo horjeedaan dowlada iyo AMISOM.

dhanka kale Afhayeenka waxa uu baaq u diray shacabka soomaaliyeed kaas oo ku aadan in ay ka dheeraadaan goobaha ay ku sugan yihiin masuuliyiinta dawlada soomaaliya iyo kuwa shisheeye ee xiligaani ku suagan dalka soomaaliya .

Abuu muscab ayaa si cad u sheegay in dagaalyahanada alshabaab ay marwalba weerar ku yihiin goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada soomaaliya iyo kuwa midowga afrika ee amisom ee howgalka kawada dalka somaaliya.

Sikastaba hadalkani kasoo yeeray afhayeenka dhinaca howgalada Al-shabaab ayaa waxaa uu kusoo beegmaya xilli qaar kamida gobalda dalka ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowlada oo garab ka helaaya kuwa amsom iyo xarakada Al-shabaab.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Hot Now, Latest Somali News, Wararka Maanta, Wargelin Show.
« »

Comment: