Calendar

Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarkii lagu dilay Taliye Jaamac Afguduud

Bosaso_ Gelinkii dame ee shalay ayaa weerar gaadmo ah oo lagu qaaday gaari ay la socdeen ciidamo katirsan Puntland waxa ku geeriyoday Taliyihii ciidanka Daraawishta Aaga Gal Gala, Col. Jaamac Siciid Warsame (Afguduud).

Ciidanka ayaa ka baxay magaalada Bosaso waxaana ay kusii jeedeen deegaanka Gal gala, iyadoona la weeraray xili ay marayeen nawaaxiga dalacada Dureera oo wax yar dhanka koonfureed ka xigta Bosaso.

Marka laga yimaado geerida taliye Jaamaca Afguduud waxaa sidoo kale uu dhaawac soo gaaray saddex Askari oo lasocday.

Werarka ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegatay ururka Al-shabaab, sida ay baahisay idaacad ku hadasha afka Al-shabaab.

Afayeenka kooxda Al-shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen Taliye Jaamaca Afguduud uu ahaa mid qorshaysan ayna muddo ku daba joogeen.

Dowlada Puntland ayaa weli kahadlin weerarka lagu dilay Taliyihii ciidanka daraawishta Aaga Galgala AHN. Col. Jaamac Afguduud.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: