Calendar

Al Shabaab oo weerartay xero ciidamada dowlada leehyihiin

Xoogag ka tirsan kooxda Al Shabaab ayaa weerar kadis ah kusoo qaaday xarun ay ciidamada dowlada ay ku leehyihiin inta u dhexeysa deeganadda Qalimow iyo Gaashaano ee gobolka Shaballadda Hoose.

Gudoomiyaha gobolka Shabelladda Dhexe ee dowlada Cabdi Jiinow oo la hadlay saxafada ayaa xaqiijiyey in xalayto ay soo weerareen kooxo ka tirsan Al Shabaab isla markaane u jiro qasaaro kala duwan.

Cabdi Jiinow ayaa sheegay in dhinaca ciidamada dowlada ay ka dhinteen 3-askari halka 5-kale uu sheegay iney soo gaareen dhaawacyo fudud, isagoona sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday ay dad badan ka waxyeeleeyeen.

Al Shabaab ayaa ka hadlin weerarka ka dhacay gobolka Shaballadda Dhexe.

Cabdi Jiinow oo gudoomiyaha Shabelladda Dhexe ayaa sheegay in dhawaan ay qabsan doonaan magalada Jowhar oo gacanta Al shabaab ku jirta marka ciidamadooda loo soo dhameystiro waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Deegaano badan oo gobolka Shabelladda Dhexe ayaa laga qabsaday kooxda Al Shabaab iyadoona ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay wax yar u jiraan magalada Jowhar.

ARAGTIDADA HOOS KA DHIIBO

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: