Published On: Tue, Dec 4th, 2012

Al Shabaab oo weerartay xero ciidamada dowlada leehyihiin

Share This
Tags

Xoogag ka tirsan kooxda Al Shabaab ayaa weerar kadis ah kusoo qaaday xarun ay ciidamada dowlada ay ku leehyihiin inta u dhexeysa deeganadda Qalimow iyo Gaashaano ee gobolka Shaballadda Hoose.

Gudoomiyaha gobolka Shabelladda Dhexe ee dowlada Cabdi Jiinow oo la hadlay saxafada ayaa xaqiijiyey in xalayto ay soo weerareen kooxo ka tirsan Al Shabaab isla markaane u jiro qasaaro kala duwan.

Cabdi Jiinow ayaa sheegay in dhinaca ciidamada dowlada ay ka dhinteen 3-askari halka 5-kale uu sheegay iney soo gaareen dhaawacyo fudud, isagoona sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday ay dad badan ka waxyeeleeyeen.

Al Shabaab ayaa ka hadlin weerarka ka dhacay gobolka Shaballadda Dhexe.

Cabdi Jiinow oo gudoomiyaha Shabelladda Dhexe ayaa sheegay in dhawaan ay qabsan doonaan magalada Jowhar oo gacanta Al shabaab ku jirta marka ciidamadooda loo soo dhameystiro waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Deegaano badan oo gobolka Shabelladda Dhexe ayaa laga qabsaday kooxda Al Shabaab iyadoona ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay wax yar u jiraan magalada Jowhar.

ARAGTIDADA HOOS KA DHIIBO

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

About the Author

- Mohamed Mascuud is the Editor in Chief of Bartamaha.com and a Contributor to Soomaalo.com. Mascuud is a Young and talented Somali Journalist.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree

 



Bartamaha is a SMO Company [ Somali Multimedia Organisation ]  



Our Partners
Raxanreeb
Soomaalo

Somali Websites
Hiiraan
AllPuntland
Jowhar

Somali Radios
VOA Somali
BBC Somali

International
Al Jazeera English
Al Jazeera Eng. LIVE

CNN
New York Times
Time Mag
Newsweek
Huffington Post
Daily Mail


var tb_pathToImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/loadingAnimation.gif";var tb_closeImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/tb-close.png";