Calendar

Al-Shabab oo Weerar ugu Hanjabtay Kenya

shabaab soomaaloKooxda Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay weerar ku qaadi doonto dalka Kenya haddii aysan ciidankeeda kala bixin dhulka Somalia.

Af-hayeenka kooxda al-Shabaab Cali Max’uud Raage “Cali Dheere” ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in ciidanka Kenya ay 100 km gudaha Somalia u soo galeen, isla markaana ay weerarro dhinaca dayuuradaha ah ka fuliyeen deeggaanno ka tirsan gudaha Somalia.

Cali Dheere wuxuu sheegay in dagaalyahaniinta Al-shabaab ay iyaguna dagaal aargoosi ah dalka Kenya ku qaadi doonaan, haddii Kenya aysan ciidankeeda la bixin.

Askarta Kenya iyo gawaarida gaashaaman ayaa galay koonfurta Somalia. Dowladda Kenya ayaa tallaabadan ugu yeertay hawlgal “baacsi” ah oo ay ururka Al-shabab ku baacsanayso.

Kenya waxay Al-shabaab ku eeddaysay afduub is xig-xigay oo ka dhacay meel u dhow xuduudda Kenya iyo Somalia. Hasse yeeshee kooxda Al-Shabaab ayaa iyadu beenisay eeddaha afduubyada ah ee loo soo jeediyay.

__

VOA

Comments

comments

Category : Featured.
« »

Comment: