read more »">

Calendar

AMISON oo il-gooniyaa ku heydo shirka ka furmayo Brussels

cali aadanAfhayeenka AMISON Korneel Cali Aadan Xumad oo maanta Magaalada Muqdisho ee caasimda dalka Soomaaliya ku qabtay shir jaraa’id ayaa waxa uu kaga hadlay arimo fara bdan iyo waliba shirka dhawaan ka furmi doonno Magaalada Brussele ee dalka Belgium-ka.

Korneel Xumad ayaa sheegay n ciidamada AMISON ay dalka soomaaliya wax badan ay qabteen ayna mar walba u taagan yihiin sidii ay u caawin lahaayeyn shacabka soomaaliyeed, asagoona dhanka kale tilmaamay in ay tababaro u furi doonnaa ciidamada booliska soomaaliyeed si ay u gaaraan isku filnaan asagoona cadeeye in ciimdamada AMISON ay sii joogi doonin balse hada ay u joogaan oo kaliya sidii ay u caawin lahaayeyn shacabka soomaaliyeed.

Dhankale Mudane Xamud ayaa  xusay in shirka dhawaan ka furmaya magaalada Brussels natiijada kasoo bixi doonta ay rajeynayaan in ay noqo-doonto mid wax badan oo is bedel ah kusoo kordhisa dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Korneelka ayaa hadalkiisa ku soo qaaday dilkii loo geystay Abuu-mansuur Al-imriikii oo sheegay hadii ay arinkaasi run noqoto in AMISON ay ku farxi-doonnaa, asagoona sidoo kale cambaareeye qaraxyadii dhawan ka dhacaye Magaalada Muqdisho iyo Kismaayo.

C.llhi dayax

Hoyga wararka Xaqiiqda Bartamaha

Xafiiska Muqdisho

 

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Hot Now, Latest Somali News, Most Watched, Wararka Maanta.
« »

Comment: