Calendar

AMISON Oo Sheegtay In Ay Lawareegeen Deegaano Ka tirsan Gobolka Bay

Taliska Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanno ka tirsan Gobolka Bay.

Afhayeenka Ciidanka AMISOM korneel Cali Aadan Xumud ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanno ka tirsan Gobolka Bay kadib markii uu sheegay in ay isku ballaariyeen Ciidanka AMISOM deegaanno Gobolkaasi ka tirsan.

Korneelka ayaa sheegay in meelaha ay la wareegeen AMISOM ay ka mid yihiin deegaanada Manaas iyo deegaanno kale oo ka tirsan Gobolka Bay taasina waxa uu sheegay in ay horseedeyso qorshaha Xasilinta dalka iyo Xaqiijinta Nabad Gelyada ay u joogaan Ciidamada AMISOM.

Ciidanka AMISOM ayuu sheegay Afhayeenku In u Jeedkoodu uu yahay in ay sugaan Ammaanka Gobolka Bay islamarkaana ay u sii gudban deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool halkaasi oo uu sheegay in ay muhim tahay in laga sifeey Al Shabaab.

Sikastaba Muddooyinkii dambe ayaa waxaa socday Qosrhe Ciidanka AMISOM ay Ciidamada Ethiopia kala wareegayaan deegaanada ay kaga suganyihiin Gobollada Bay iyo Bakool.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: