read more »">

Calendar

Arin naxdinleh oo ka dhacday Magaalada Jowahar, Toloow maxay tahay? Gabar la…….

Magaalada jowhar ee xarunta shabeelada dhexe ayaaaa habeenimadii xalay lagu arkay arin aad u naxdin badan oo aan horay magaalada looga arag ayadoona gabar da’deeda lagu qiyaasay 25jir la kufsaday hadana lagu gooracay.

dadla magaalada oo qaarkood lahadlay bahda saxaafada ayaa arinkaan waxa ay ku sheegeen wax diin ka bax ah in ay tahay isla markaan aan aheyn wanaagsan, ayadoona kufsiga loo geysanayo gabdha soomaaliyeed ee kunool magaalada iyo goboladaba ay soo badanayeen haba u badnaanee kuwa kufsiga loogu geysto gobolada dalka.

Arinkaan asaga ah ayaan hora looga arag magaalada asagoona noqonayo kii ugu xumaa ee kadhaca magaalada Jowhar.

Su’aasha dowladda iyo shacabka soomaaliyeed hortaagan ayaa waxa ay tahay Sidee loo joojin karaa kufsiga loo geysanayo walaalaheyna soomaaliyeed ayadoo la xasuusan yahay in ay dowladda Fidraalka Soomaaliya Dilal ay ku fulisay rag nuucaan camal kufsi ugeystay gadhaha soomaaliyeed,

marka sidee isaga kaashan karaan Dowladda iyo Shacabkaba kufsiga lagu haayo hablaha soomaaliyeed??

By : Staff muqdisho– Soomaalia, webka caalamiga ah ee www.Bartamaha.com

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Hot Now, Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: