Published On: Sun, Feb 3rd, 2013

Askar dowladda Ka tirsan oo tababar loogu soo xiray dalka Uganda

Share This
Tags

Illaa 500 oo Askari oo Ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo tababar uu uga socday dalka Uganda ayaa halkaasi Loogu soo Gaba gabeeyay.

Magaalada Bihangaa ee waddanka Uganda oo Askartaani uu tababarka uu uga socday ayaa waxaa Loogu qabtay Munaasabad aad u weyn oo tababarka Loogu soo Xirayay Askartaasi.

Askartaan Tababarka uu u soo xirmay oo isugu Jirta Hablo iyo wiilal oo la hadlay warfidiyeenada ayaa waxa ay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin tababarka ay qaateen kaasi oo ay sheegeen in ay ku difaaci doonaan dadka,dalka iyo Calanka intaba.

Dhinaca Kale Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Max’ud Fiqi ooo warbaahinta ay wax ka weydiisay Ciidamadaasi Tababarka loo soo Xiray ayaa sheegay in dhawaan ay ku soo Laaban doonaan dalka isagoo shaaciyay in tababarkooda ay Gacan ka geesteen Midowga Yurub iyo Dowladda Mareekanka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in marka ay Ciidamadaasi soo Gaaraan dalka Loo furayo markale Tababar soconaya Muddo 45 Casho ah oo u badan wacyi gelin iyo sidii Loogu abaabin lahaa dhalinyaradaasi xagga Wadaniyadda.

Maaha Markii ugu Horeysay oo Tababar Loogu soo xiro Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya dalka Uganda hase ahaatee Tababarka Ciidamadani ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay ku gudu Jito dadaallo ay dib ugu dhisayso Ciidamada qalabka sida ee dalka

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree

 



Bartamaha is a SMO Company [ Somali Multimedia Organisation ]  



Our Partners
Raxanreeb
Soomaalo

Somali Websites
Hiiraan
AllPuntland
Jowhar

Somali Radios
VOA Somali
BBC Somali

International
Al Jazeera English
Al Jazeera Eng. LIVE

CNN
New York Times
Time Mag
Newsweek
Huffington Post
Daily Mail


var tb_pathToImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/loadingAnimation.gif";var tb_closeImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/tb-close.png";