Calendar

Axmed Madoobe oo sheegay in ay soo dhaweenayaa ciidanka Al-shabaab iyo kuwa Barre Hiiraale

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan ciidamada Barre Hiiraale iyo Al-shabaab cidii dooneyso in ay kasoo goosato.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in maamulkooda ay nidaam ay udiyaariyeen Cid waliba oo kasoo horjeeda islamarkaana dooneeno in ay kusoo biirto maamulkooda ayadoona si uu sheegay aysan jirin wax dhibaato ay lakulmaayaan si nabad-galya ahna lagu soo dhaween doonno.

Hogaamiyaha Jubba ayaa yiri: ” Waxaan soo dhaweeneenaa ciidamada Al-shabaab iyo Kuwa Barre Hiiraale, wax dhibaataa lama kulmi doonnaa si wanaagsan ayaan ula dhaqmi doonnaa”

Dhanka kale Axmed Madoobe ayaa waxa uu baaq u jeediyay dhalinyarada Al-shabaab oo ku sheegay in ay yihiin wiilashooda Soomaaliyeed islamarkaan laqaday asagoona ugu baaqay in ay kasoo laabadashada wadada qaldan ay ku jiraan taasina oo wanaagooda ku jiro.

Ugu danbeyntii Axmed Madoobe ayaa sheegay in Barre Hiiraale iyo Ciidankiisa Kismaayo lagu geeyay doonyo hadana laga doonayo cidii halkaasi geysay in ay kasoo wado, Hase- yeeshee Saraakiisha Barre Hiiraale ayaa waxa ay u sheegeen horay in aysan marnaba suugal-noqon karin in ay isku soo dhiibaa maamulka Axmed Madoobe.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Hot Now, Wararka Maanta, Wargelin Show.
« »

Comment: