Calendar

Baabuur nin Soomaali ah uu waday oo fuulay tiirka korontada (DAAWO SAWIRADA)

baabuur 4

Bartamaha Columbus — Baabuurkani oo uu waday nin Soomaali ah ayaa koray tiirka korontada,  sida uu noo caddeeyay darawalkii gaariga shilka galay wuxuu haystay  Laysanka yar oo Maraykanku bixiyo marka ugu horeysa oo aad ku baasto imtaxaanka gaari wadida ee qoraalka ah, taasoo kaliya oo laguu ogolyahay in markaad gaari wadayso uu kula socdo qof haysta laysanka weyn.

Shilkani wuxuu ka dhacay jidka Westerville meesha laga galo xaafadaha Capital Park oo marka aad bidixda u galayso ay dhib badan tahay marka la gaaro saacadaha shaqooyinka laga soo baxo. Shilkuna abaarahaas ayuu dhacay.

Mar aan taleefanka ku waraysanay darawalkii gaariga waday ayaa wuxuu noo sheegay in isagoo dhinaca bidixda ah u leexanaya uu kontaroolku ka lumay taasina ay sababtay in gaarigu fuulo tiirka korontada.  Waxaana ila socday buu yiri mulkiilihii gaariga iska lahaa.

Meesha shilku ka dhacay ayaa waxay tahay meel Soomaali fara badani ay shil ku galaan oo dadka xaafadaha Capital Park degani ay wax badan codsadeen in loo sameeyo samaafale ama nalka baabuurta kala haga, iyadoo meel aad ugu dhow ay leedahay samaafale, waana halka ay iska jaraan jidadka Westerville iyo Oakland Park.

Halkan ka daawo sawiradii Bartamaha kasoo qaaday:

baabuur 1

baabuur 2

baabuur 3

baabuur 4

Comments

comments

Category : The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: