Calendar

Baarlamaanka carabta oo cambaareeye dilkii xildhibaanadii lgu dilay Muqdisho iyo …

baarBaarlamanka wadamada Carbeed ayaa dowladda Soomaaliya uga tacsiyeeyay dilkii muddo 24 saac gudahood loogu geystay magaalada Muqdisho.

Wakaaladda wararka KUNNA ee dalka Kuwait kasoo baxda ayaa baahisay in Baarlamanka Carbeed ay xanuun iyo murogo la wadaagayaan Xukuumadda Soomaaliya kadib muddo 24 saac gudahood oo Muqdisho looga dilay Laba xildhibaan iyagoo ku tilmaamay falkaasi mid murogo iyo tiiraanyo leh.

Baarlamaanka Carabtu waxaa uu ugu baaqay xildhibaanada Soomaaliya inay ku niyad jabin weerarada noocaas oo kale ah oo aysan ka laaban shaqada ay bulshadda u hayaan.

“Baarlamaanka Carabta waxaa uu balan qaadayaa inuu xoojiyo wada shaqaynta iyo taageerada xildhibaanada iyo dawlada Soomaaliya si Soomaaliya looga waayo cid argagax abuurta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ururka baarlamaanka Carabta.

Tacsida ay ujeediyeen Baarlamanka Carbeed Dowladda Soomaaliya iyo xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kusoo aadeysa xilli horey Midowga Africa iyo QM uga tacsiyeeyeen dilkii loo geystay xildhibaanadaasi.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Latest Somali News, Warar Kale [ Other News ], Wararka Maanta.
« »

Comment: