Calendar

Baarlamaanka oo ansixiyey xeer-hoosaadyo

Baarlamaanka Soomaaliya oomaanta kulan iskugu yimaaday ayaa ansixyey xeer-hoosaadka uu yeelanayo baarlamaanka.

Kulanka ayaa waaxa kazoo qeyb galay 188-xubnood oo kamid ah xubnaha baarlamaanka iyadoona uu shir gudoominayay afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo sheegay inuu xeer-hoosaadkaan uu muhiim u yahay sidii baarlamaanka u shaqeyn lahaa.

Xubnaha baarlamaanka ayaa si fartaag ah ugu codeyay xeer-hoosaadka cusub oo ka koobaann 11-cutub, iyadoona cutub kasta si gaar ah codka loogu qaaday.

Xildhibaan Sooyaan Cusmaan Cabdi oo ka mid ah xildhibanada  baarlamaanka sida wayn ugu doodayay in baarlamaanka Soomaaliya uu helo xeer-hoosaad ayaa sheegay iney wax lagu farxo tahay in baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyaan xeer-hoosaadka.

Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa kulamo joogta yeelanayo iyadoona ay la horyaaliin shuruuc badan oo iney soo dhameystiraan laga rabo.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: