Calendar

Baarlamanka oo maanta dooranaya Gudoomiye Xigeenada Golaha Baarlamanka.

dorasho1Bartamaha(Muqdisho):-Golaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta dooranaya Gudoomiye Xigeenada Golaha Baarlamanka Soomaaliya oo muddo muran loo hakiyay.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Baarlamaanka Xaaji Shukri ayaa maanta Saaka si cad ugu dhawaaqay in maanta la dooranayo Gudoomiye Xigeenada Golaha Baarlamanka Soomaaliya.

Xaaji Shurki oo saxaafada kula hadkayay Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Maxkamada sare ay fasaxday in la doorto Gudoomiye Xigeenada Golaha Baarlamanka KMG ah.

wararka naga soo gaaraya Xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegaya in halkaasi ay sii gaareen Xildhibaano badan oo si hoose ula kulmaya raga doonaya in ay noqdaan Ku xigeenada gudoonka Baarlamanka.

Waxaa lagu wadaa in xildhibaanada ay maant ka qeybqaataan doorashada Gudoomiye Xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamanka oo murashixiin badan ay u taaganyihiin.

Wixii soo kordha www.Bartamaha.com kala soco.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: