Calendar

Barcelona Oo Ku Wargelisay Arsenal Inay Iska Ilawaan David Villa Bisha Janaayo

Arsenal ayaa loo sheegay inay iska ilowdo inay amaah kula soo wareegto weeraryahanka Barcelona David Villa.

Gooldhaliyaha reer Spain oo 31 jir ah islamarkaana ah ciyaaryahanka abid ugu goolasha badan xulka qaranka La Roja ayaan boos joogta ah haatan ka heysan Nou Camp.

Arsene Wenger ayaana doonaya inuu adkeeyo weerarkiisa bisha Janaayo, David Villa ayaana ka mid ah liiska gacanta ugu jira Le Professeur.

Tababaraha Gunners ayaana ku hungoobay isku daygiisii uu kula soo wareegi lahaa Klaas-Jan Huntelaar kaasoo doortay inuu sii joogo Schalke markii uu qandaraaska u kordhiyay ilaa 2015.

 

Laakiin Villa ayaan isna u baqooli doonin Emirates, sida uu sheegay agaasimaha kubada cagta Barcelona Andoni Zubizarreta.

Waxa uu yiri sida ay qortay Daily Mirror: “Bisha Janaayo waan ceshan doonaa Villa.

“Waa muhim in la xusuusto in Barcelona aysan aheyn koox aqbasha dalabyada u yimaada xiddigaheeda bisha Janaayo.”

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: