Calendar

Bayern Munich Oo Si Sahlan Ku Gaartay Finalka UCL Ka Dib Markii Ay Semi-finalka Ugu Awood Sheegteen Barcelona.

Bayern

Munich ayaa si raaxo leh ku gaartay finalka Champions League ka dib markii ay garaaceen Barcelona labada lug ee semi-finalka iyagoo lugtii labaad ee caawa ka dhacday Camp Nou ku awood sheegtay 3-0, taasoo ka dhigeysa inay wadar ahaan kaga talaabsadeen 7-0.

Kooxda FC Hollywood oo lugtii hore ee Allainz Arena ku soo badisay 4-0 ayaana xaqiijisatay booskeeda finalka Champions League ee 25ka bisha May ka dhacaya Wembley, waxaana ay isku arki doonaan kooxda ay isku dalka yihiin ee Borussia Dortmund.

Barcelona ayaa ciyaarta ku soo gashay iyadoo xiddigooda Lionel Messi uu kursiga keydka ku bilowday, halka Bayern Munich uu u soo laabtay gooldhaliyahooda Mandzukic kaasoo ganaax ku maqnaa kulankii lugta hore.

Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay Bayern Munich daqiiqadii 12aad ee ciyaarta markii Javi Martinez uu kubad wacan u dhigay Robben oo ku jiray qeybta goolkiisa taasoo aan kubada ka dhigeynin offside, waxaana u suurogashay inuu galo xerada goolka Barca, laakiin intii uusan darbo la haweysay goolka waxaa taakal nadiif ah kubada kaga badbaadiyay Pique.

Bayern Munich ayaana qeybihii hore ee ciyaarta soo bandhigaysay kubado cajiib ah, iyadoo Gerard Pique uu mar kale kubad fiican ka difaacay Bayern ka dib baasas cajiib ah oo ay isweydaarsadeen Lahm, Müller, Robben iyo Schweinsteiger xerada goolka Barca dhexdeeda.

Daqiiqadii 24aad ayaa Blaugrana ay iyadana markeeda heshay fursad Pedro ayaana meel 30 yard u jirta goolka ka soo tuuray kubad gantaal aheyd, laakiin waxaa bixiyay goolhaye Manuel Neuer.

Karoos uu keenay Alves daqiiqadii 27aad ayaa waxaa taabtay Fabregas ka hor inta uusan Xavi oo 6 yard u jiray goolka uusan kubada goolka dushiisa marsiinin, waxaana ay aheyd fursad halis ah.

Waxaana ciyaar ilqabad laheyd oo la ciyaaray qeybtii hore ka dib lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Waxaana afar daqiiqo markii ay socotay ay Bayern Munich heshay goolkii muhimka u ahaa iyagoo hogaanka ciyaarta u qabtay, Arjen Robben ayaa dhanka midig ka soo galay ka hor inta uusan kubad qatar ah oo fantastik ah uu shabaqa dhex dhigay.

Arjen Robben ayaa ah ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Holland u dhashay ee Barcelona goolka uga dhaliya Camp Nou kulan Champions League ah tan iyo Cocu oo 1997dii shabaqa ka soo taabtay isagoo u ciyaarayay PSV.

 

Waxaana xaalada Barcelona ay ka sii dartay markii Bayern Munich ay heshay goolkoodii labaad ee ciyaarta, karoos uu soo dhigay Franck Ribery ayaa waxaa shabaqa iska geliyay Gerard Pique daqiiqadii 72aad ee ciyaarta.

Afar daqiiqo ka dib Bayern Munich ayaa ka dhigtay ciyaarta mid hal dhinac ah ka dib markii kubad uu soo qaaday Ribery uu madax ku dhaliyay Thomas Muller, taasoo ciyaarta ka dhigtay 3-0, islamarkaana hurdo dheer u dirtay ciyaarta.

Waxaana ay ciyaarta ku dhamaatay 3-0 oo ay guusha ku raacday kooxda martida aheyd taasoo ka dhigeysa inay labada lug wadar ahaan ku badiyeen 7-0, waxaana ay iska xaadireen finalka Champions League oo noqday German final iyagoo ku wajihi doona kooxda Dortmund oo xalay ka soo gudubtay Real Marid.

article-2317192-1993E04F000005DC-36_634x403

Bayern Munich ayay u tahay markii 3aad ee ay finalka Champions League gaarto afartii xilli ciyaareed ee u danbeysay, labadii jeer ee hore waxaa ka kala qaaday Inter Milan iyo Chelsea, iyadoo kii ugu danbeeyay ee xilli ciyaareedkii hore looga qaaday garoonkooda oo martigelinyay finalka.

Laakiin xilli ciyaareedkan labo koox oo Jarmal ah oo ka soo talaabsatay labada kooxood ee ugu waa weyn Spain ayaa isku arki doonaa London oo 25ka May uu finalka Champions League ka dhici doono.

26 sanno ayaana laga joogaa markii Barcelona koob Yurub ah looga saaray labada lug oo laga wada badiyay, waxaana markaasi sidaasi yeeshay Dundee United.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment:

cccc