Calendar

bomb gacmeedka lagu tuuray kaniisada ku taala caasimada Kenya ee Nairobi.

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday 15-kalena waa ay ku dhaawacmeyn markii Bomb nooca gacanta laga tuuro ah, lagu weeraray saaka arroortii kaniisad ku taala caasimada Kenya ee Nairobi.

Ku xigeenka madaxa Pooliska Nairobi, Moses Ombati, wuxuu sheegay in bomb gacmeedka lagu tuuray xaafad ku dhow kaniisada, xiligaas oo mashquul uu ka jiray gudaha kaniisada.

Waa weerarkii ugu dambeeyay dhowr weerar oo xiriir ah oo lagu qaaday dalka Kenya tan iyo markii Soomaaliya ay ciidamo u soo direyn bishii October sanadkii hore, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab oo xiriir la leh, Al-Qaacida.

Weerarka maanta waxa uu ku soo aadayaa iyadoo dhawaan safaaradda Mareykanka ee Nairobi ka digtay weeraro ka dhici kara dhismooyinka dowladda iyo Hotelada ku yaala caasimada Nairobi.

Safaaradda waxa ay sheegtay isniintii hore, in aan la ogeyn xiliga weeraradaasi ay dhici karaan, laakin la aaminsan yahay in ay ku jiraan xiligii ugu dambeeyay.

Pooliska Kenya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dileyn ugu yaraan 30-qof Kenyan ah tan iyo markii Kenya ciidankeeda soo galeyn Soomaaliya.

Bishii February, afhayeenka Pooliska Kenya Eric Kiraithe waxa uu sheegay in qaraxyada iyo dilalka gaadmada ay soo kordheyn wixii ka dambeeyay markii ciidanka Kenya ka soo tallaabeyn Soohdinta Soomaaliya bishii October

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

[email protected]

Comments

comments

Category : Latest Somali News.
« »

Comment: