Calendar

Booliska oo wax ka qabanaya amaanka Muqdisho

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay iney wadaan qorshe balaaran oo ay wax uga qabanayaan amaanka magalada Muqdisho.

Taliyaha hayada dambi baarisata gobolka Banaadir ahna afhayeenka ciidanka police-ka Gen.C/lahi Xassan Bariise ayaa u sheegay saxafada iney maalmihii ugu danbeyay ay wadeen howlo baaraitaano ah oo sameynayeen si looga hortago amaan dari ka dhacda Muqdisho.

Gen. Bariise waxa uu sheegay in howlgaladaas laga gaarey natiijo wanagsan isagoona xusay iney gacanta ku dhigeen kooxo u ku tilmaamay qaswadayaal ka tirsan kooxda AL Shabaab.

Afhayeenka Booliska ayaa balan qaaday iney ciidamada ay sii wadayaan howlgaladooda ay ku xaqijinayaan amaanka si looga hortago falal dhibaateyn ah in loogeysto dadka ku nool gobolka Banaadir.

Walow ay amaanka Muqdisho uu yahay mid soo hagaagayay mudooyinkii ugu danbeyay ayaa waxa jiro falal lagu dhibaateyo dadka oo ka dhaca qeybo kala duwan oo degmooyinka caasimada ah, taas oo lagu dhaliilo in ciidamada dowlada aysen ka qaadin tilaabo wayn.

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Warar Kale [ Other News ], Wararka Maanta.
« »

Comment: