Calendar

Boqolaal Arday oo ka qalin jebisay Jaamacada Simad ee Magaalada Muqdisho

Boqolaal Arday ayaa maanta ka qalin jebisay Jaamacada Simad, iyadoo Ardaydan oo gaareysa 750 ayaa qaar ka mid ahi usoo gaba gaboobay maanta imtixaankoodi, halka tiro kale ay iyana soo gaba gabeyn doonto maalinta berito ah.

Ardaydan oo iyaga oo faraxsan maanta isugu tagay howlka weyn ee xarunta Jaamacada oo ku taala Jidka Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa ka kala baxay kulliyadaha Maamulka iyo Maareynta, IT oo ah Xogta Tiknoolojiyada iyo qeybta Acountin-ka.

Cumar Xasan Cilmi oo ka mid ah ardaydaasi ayaa sheegay in maanta aysan soo koobi karin farxadooda, waxaana uu u mahad celiyey waalidki iyo walaalihi ku garab taagnaa mudadi uu soo dhiganayey.

“Waxaan ka qalin jebiyey Kulliyada Maamulka, aad ayaana ugu faraxsanahay maanta oo kale in aan arko,” ayuu yiri.

Sidoo kale Yaasmiin Maxamed oo ah arday ka qalin jebisay Kulliyada IT ayaa sheegtay in ay rajeyneyso in ay halkeeda kasii wadi doonto waxbarashada oo ay rajeyneyso in ay diyaariso darakada Master-ka.

Jaamacada SIMAD ayaa ka mid ah kuwa ugu wanaagsan dalka Soomaaliya, waxa sanad walba ka qalin jabiya boqolaal arday.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Xafladaha - EVENTS.
« »

Comment: