Calendar

C.Ronaldo:” labo sanno kadib aya ku laabanaya Man United”

Weeraryahanka wadanak Portugal CRISTIANO Ronaldo ayaa waxaa uu sheegay in uu dib ugu laaban doonno horyaalka ingiriiska labo sanno kadib.

Kooxda Man utd ayaa doonayso in CRISTIANO Ronaldo ay dib ugu soo celiso garoonka Old Trafford xilliga soo aadan halka Man city ay diyaarinayso in ciyaaryahankaas ay dar dar galiso qorshe ay kula wareegayso.

Laakin CRISTIANO Ronaldo ayaa sheegay inuu rajo ka qabo in uu ka tagi doonno kooxdisa Real Madrid marka uu dhamaysto hishiska uu kula jiro oo dhamaanaya june 2015.

“waxaa doonayaa inaan dhamaysto qandaraaskayga waxaa rabaa inaan xushmeyo hishiiskaas isla markaasna waxaa joojiyay inaan saxiixo hishiis cusub.

 

Real Madrid ayaa la kulmayso lugta 1-aad kooxda Man utd kulan ka tirsan horyaalada naadiyada yurub iyadoo ciyaarta 2-aad ay 5-ta march ay ku kulmi doonaan garoonka Old Trafford.

Real Madrid ayaa qaadin koobka Champion-ka tan iyo sanadkii 2002 waxana ay haysata 9 jeer koobkaan waana kooxda ugu guulaha badan tartankaan.

Real Madrid ayaa lixsii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay ama lixdii sanno ee ugu dambeysay ay kooxda Real Madrid kasoo gudbi waysay warega 16-ka.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: