Calendar

Caasimada Muqdisho oo habeenka Sandka cusub marti galin doonta Fanaaniin caan ah

Magaalada Muqdisho ee caasimada Umada Soomaaliyeed oo mudo aheeyd Magaalo Aad uburbursan isla markaana ay ku dagaalamayeen gacan ku heenteeda dhancayo aad ufarabadan ayaa imika waxa ay ka soo kabaneysaa dhibaatadii iyo diiftii ay ku reebtay Mushkiladihii Soo maray.

Caasimada ayaa xiligaan waxa  la ciir-ciireysa dad aad ufarabadan oo isugu jro siyaasiyiin Aqoonyahano iyo faaniin Caan ah  ee ku noolaa muudo badan qurbaha kuwaasoo ay soo jidatay amaanka soo hagaagay ee caasimada Muqdisho.

Imika  waxaa magaalada lagu arkayey shaqsiyaad waaweyn oo mudda dalka ka maqanaa kuwaasoo ay soo jiidatay amniga xiligan ka jira magalaada Muqdisho oo la dhihi karo xiligaan waa mid ka amaan fiican caasimado badan oo ku yaalo Yurub iyo waqooyiga Ameerika waxaana maanta moodaa in Muqdisho ay ku soo laabaneyso sidii ay ahaan jirtay bari-samadkii iyadoo amaanka Muqdisho keentay in guryaha kiradooda uu xiligaan gaaray heerkii ugu sareeyay.

Amniga iyo ka jira Muqdisho ayaa keenay in fanaaniin waaweyn oo ka kala imaaan doono aduunka daafahiisa ay habeenka Sanadka cusub ka dhigi doonaan magaalada Muqdisho bandhig  faneed loogu magacdaray( xoojinta amniga) iyadoo tigidhada xaflada lagu gali doona  uu gaaray heerkii ugu sareysay waxayna xafladan ka dhici doonto habeenka sanadka cusub magaalada Muqdisho u noqoneysa mid ku sii dhiiri galin doonto shacabka Soomaliyeed ee qurbaha ku nool inay dalkooda ku soo laabtaan.

Wali si Rasmi ah looma ogaan magacyada faaniinta  hasa ahaatee Warbaahinta warculus war ay heshay ayaa sheegaya Fanaaniintii biryaahan Magalada Kusugnaa oo ay ka mid ahaayeen Kink Khaalid  farayare iyo Xasan Cujeeri cajami ay hor dhac u ahaayeen fanaaniin kale oo can ah oo iyana lagu wado in Muqdshi ay soo gaaraan Tobadyda Soo socda si ay habeenka sanadka Cusub ee  2013 ay ugu qabtaan Bandhig faneed aan horay udhicin.

Arintan ayaa cadeeynaysa in amniga magaalada Muqdisho yahay mid la’isku halen karo waayo fanaaniintii Soomaaliyeed  ee dalka ka maqanaa 21 sano ee dalka ku jiray marxaldii adkeed ay imika ku soo dhiiranayaan imaashaha caasimada umada Soomaaliyeed oo Nabad ah.

 

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: