Calendar

Cabduqaadir Cali “Fish” ayaa daaha ka qaaday inuu u tartamayo jagada Madaxweynenimo Somaliya sanadka 2011 (SAWIRO)

[slidepress gallery='fish']

045Cabduqaadir Cali ayaa daaha ka qaaday inuu diyaar u yahay hogaaminta ummada Soomaaliyeedm, uuna isu soo sharaxay jagada madaxweynenimo ee Soomaaliya oo sida lagu wado  sanadka 2011 ay dhici doonto . C/qaadir ayaa ku qabtay xaflad ballaaran Hotelka Days Inn ee magaalada Columbus, Ohio.

Xafladdan ayaa waxa uu C/qaadir ku sheegay waxa ku khasbay inuu u tartamo madaxweynenimada Soomaaliya ay tahay in Soomaaliya ay maanta u baahan tahay isbedel weyn oo siyaasadeed oo degdeg ah.

C/qaadir Cali ayaa Bartamaha u sheegay inuu qaban doono xaflad tanoo kale ah oo ka dhacaysa magaalada Minneapolis dhamaadka bishan Diseembar.

Comments

comments

Category : Ohio.
« »

Comment: