Sunday, May 3, 2015

Cali Khaliif Galaydh oo ka warbixiyey wadahal uu la yeeshay madaxweyne Xasan SH Maxamuud

cali khaliif galaydh

cali khaliif galaydhMuqdisho(Bartamaha) Madaxweynaha maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh oo mudooyinkii danbe ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ka warbixiyey waxyaabihii uu kala hadlay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud.

Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay inuu kala hadlay madaxweyne Xasan SH arimo dhowr ah oo ku saabsan danaha shacabka deegaanada Khaatumo,wuxuuna sheegay iney dhammaan waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxweynaha ay isku aragti ka noqdeen.

Wuxuuna sheegay iney dowladda Soomaaliya ballan qaaday taageero dhan walba ah oo ay siinayso maamulka Khaatumo State ee uu madaxweyaha ka yahay,Galaydh ayaa sheegay inuu ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya dadajinta dhismaha maamulka gobolada dhexe oo uu sheegay iney isgarabsan lahaayeen maamulkiisa Khaatumo oo uu sheegay iney ood wadaag yihiin.

Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay inuu sidoo kale kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya in Khaatumo Saamigeeda laga siiyo 3 Bilyan ee doolar ee beesha caalamka ay ugu deeqday Soomaaliya,wuxuuna sheegay iney ku rajo weyn yihiin iney dowladda ka heli doonaan qaybtooda si loogu fuliyo adeegyada ay u baahan yihiin bulshada gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa intaa ku daray iney sidoo kale madaxweyne Xasan SH ka wada hadleen sidii loogu diyaar garoobi lahaa hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka,Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya wuxuuna kulamo kala duwan la qaatay madaxda sar sare ee dalka.

 

Muqdisho Bartamaha

 

Comments

comments

You may also like

Sign In

Register

Reset Your Password

Email Newsletter

cccc