Sunday, April 19, 2015

Sports

arse-150x150

Muqdisho (Bartamaha)Waxaa caawa la ciyaari doonaa kulan ka tirsan semi-finalka koobka FA cup-ka oo dhex mari doona kooxaha Reading iyo Arsenal.

Kulanka ayaa ka dhici doona garoonka caalamiga ah ee wembley ee magaalada London.

Ciyaarta ayaa soo gali doonta 7:20 fiidnimo xiliga bariga afrika, ciyaarta waxaa dhex dhexaadin doona garsoore Andre Mariner.

Xidigaha labada koox ka dhaawacan

Arsenal: Oxlade-Chamberlain iyo Mikel Arteta ayaa ayaa dhaawac uga maqanaan doona kooxda arsenal.

Reading: Anton Ferdinand ayaa ka dhaawacan ka ah kooxda reading.

Rikoorada labada koox

Reading marnaba ma gaarin finalka FA cup-ka xili eey caawa semi-finalka ku wajaheyso Kooxda Arsenal.

Arsenal ayaa caawa ciyaari doonta semi-finalki 10-aad eey ciyaaraan, 18 kii xili ciyaareed ee ugu dambeyey.

Sagaal gool oo ey arsenal ka dhalisey FA cup-ka xili ciyaareedkan, waxaa u kala dhaliyey sideed ciyaaryahan oo kala duwan.

Arsenal ayaa badisey sideed kulan oo xiriir ah horyaalka Primer leage-ga taas oo niyada u dhisi doonta wiilasha macallin wenger.

Arsenal oo ah kooxda difaacaneysa FA Cup-ka ayaa markale kasoo muuqan doonta garoonka wembeley oo xili ciyaareedki hore uga baxeen abaartii koobab la’aanta, markii eey sagaal sano kadib u dabaal dageen koobkii ugu horeeyey oo ah kan eey caawa dheelayaan.

chelseavsmanchesterunted-150x150

Muqdisho (Bartamaha)waxaa caawa kulan adag dhex mari doonaa kooxaha chelsea iyo manchester united oo kuwada balansan garoonka stamford bridge ee magaalada london.

ciyaarta ayaa bilaaban doonta 7:35 fiidnimo xiliga bariga afrika, waxaana dhex dhexaadin doona garsoore m. dean.

xidiga labada koox ka dhaawacan:

Chelsea: Diego coasta ayaa dhaawac ku seegi doona kulanka xiisaha badan, sidoo kale l. remy ayaa ka maqan chelsea.

manchester united: Micheal carrick, Marcos Rojo, Daley Blind iyo P. Jones, ayaa dhaamaantood dhaawac ku seegaya kulankan.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Chelsea ayaa laga badiyay hal jeer 12-kii kulan ugu dambeeyay Premier league oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Man United, 7 waa ay badisay afarna barbaro.

>- Manchester United ayaa guuldarrooyinka ugu badan Premier league waxaa ay kala kulantay kooxda Chelsea taas oo ka badan inta kooxaha kale ay kala kulantay waana 15 jeer.

>- Juan Mata ayaa dhaliyay saddex gool iyo caawin saddexdii kulan ugu dambeeyay Premier league.

>- Chelsea guuldarradii ugu dambeysay oo garoonkeeda ka soo gaarta Premier league waxaa laga joogaa mudo hal sano ah waana 19 April, 2014 waxaa kaga badisay Sunderland.

>- Chelsea ayaa guuldarro la’aan ah afartii kulan ugu dambeeyay horyaalka ay la ciyaartay United, kaliyana labo gool ayaa laga dhaliyay afartaas kulan.

>- Manchester United ayaa badisay kaliya lix jeer 23 –kii kulan ugu dambeeyay  horyaalka ay la ciyaartay Chelsea.

>- United ayaa ku badisay shan jeer oo qura garoonka Stamford Bridge horyaalka Premier league, kaliyana hal jeer ayey ku adkaadeen tan iyo 2002-dii waana markii 3-2 ay ugu adkaadeen 2012-kii.

>- Shan ciyaaryahan ayaa roose la siinayay shantii kulan ugu dambeeyay kooxahan dhexmaray, saddex Chelsea ayaa la siiyay, waxaana qaatay Branislav Ivanovic oo labo jeer ah iyo Fernando Torres halka United Nemanja Vidic iyo Rafael laga siiyay roose.

>- Kaliya Arsenal ayaa kaga fiican United dhibcaha la helay 2015, Van Gaal kooxdiisa ayaana heshay sanadkan cusub 29 -dhibcood.

david-luiz-paris-saint-germain-barcelona-champions-league-150415_yokhwud9enhi1otqgd2k26jy7-150x150

Muqdisho(Bartamaha)saxaafada iyo caalamka iyo ciyaartoy horey u soo martay kubada cagta macalinmiin ayaa dhalceyn u soo jeediyay daafaca kooxda Paris Saint-Germain David Luiz kadib bandhigiisa lugtii Hore ee Champions League ay wajaheyn kooxda Barcelona

laakin hooyada dhashay xidiga heerka caalami ee xulka dalka Brazil David Luiz  oo lagu magacaawo Regina Celia ayaa difaacday wiilkeeda iyadoona ku tilmaamtay in uu yahay xidig aad u waanagsan

weeraryahanka kooxda barcelona Luis Suarez  ayaa ku tuntay xidigan kadib markii labo gool uu awoodi waayay in uu ka difaaco xidigaan

waan ku qanacsanhay xidiga  David Luiz,” ayay ku soo qoraty barteeeda  Instagram. hooyada dhashay xidigaan Regina Celia kadib dhaleeceyn uu kala kulmay saxaafadaha caalamka iyadoona ku sheegay in uu ahaa kulankaas wiil 8sano jir oo kale

alexandre-lacazette-lyon-toulouse-ligue-1-11012015_1w3gxud2zgfes17rexs58n5mfs-150x150

Muqdisho(Bartamaha)weeraryahanka kooxda Lyon Alexandre Lacazette ayaa dib u laqsiinaayo kooxaha aad u xiiseenaya asaga isagoona u sheegay in uu aad u jecel yahay in uu sii joogo kooxdiisa Lyon

xidiga ayaa bandhigiisa sii wato isagoona dalaybo kala kulmaayo kooxaha Premier League sida  Arsenal and Liverpool sidoo waxaa lala xiriirinayaa kooxda difaacaneeso Champions League holders Real Madrid

23-jirkaan ayaa dhaliyay 25 goals  28 kulan uu ka soo muuqday kooxda Ligue 1  Lyon xili ciyaareedkaan waana bandhigiisa ugu waaansgan xiligaan

Lyon ayaa labo dhibic ka hooseesa kooxda xiligaan hogaamineesa horyaalka dalka Frane ee france ee Paris Saint-Germain tasoo dhankeeda horyaalka difaacaneesa xiligaan

 

download

Muqdiso (Bartamaha)Ka dib kulamaddii xalay laga Ciyaaray  horyaalka  Qaarada yurub  ayaa lagu wada in laga dheelo mid la mid ah caawa  kulumadii xalay la dheelay ayaa xiiso badan lagu arkay markii la soo ban Dhigay Ciyaar Ay jeclleysteen taagaeerasha

Ciyaaraha Caawa La Ciyaari Doono iyo Xiliga ay soo Galayaan

9:45 ee xiliga magalada moqdisho

Waxana lagu dheli doonaa  dalka France

Safka macquulka ah ee la filaayo iney iska hor imaadan

Barcelona                            gool hayaha:                      C.Bravo

Daafacyada:            D.Alves        G.Pique         Mascharano              J.Alba

Q.dhexe:                    I.Rakatic             S.Busquit                      A.Ineista

Weerarka:                   L.Messi              L.Zuares                       Neymar JR

P.SG

 

Golhayaha                        Sirgue

Dafacyada                         Van derwell         T.Silva       D.Luis       Maxewell

Q.dhaxe                            M.Verrati               Cabeye                Matudi

Werarka                           L.Moura            I.Cavani         Lavazzi

 

download

Muqdisho (BARTAMAHA)Kullumo ka tirsan horyaalka Yurub ee loo yaqan UEFA Champion League  ayaa  caawa waxa isku fara Saari doono labada Naadi ee ka soo Jeeda  Magaaladda Madrid ee Dalka Spain waxayna kala yihiin Real Madrid iyo Nadiga ay isku Magaalada yihiin Atlantiga Madrid

Ciyaartaasi  oo ka dhici doonto stadium vicenta cultaroon Iydoo oo ay ka haadleen ciyaartooyda  Caan ka ah aduunka oo ay ka mid yihiin C.Ronaldo iyo Ciyaartooyda  ka tiran nadiga Atlantiga Madrid  oo jawab  ka bixiyen

waxana la sheegaya macalinka kooxda atlantiga mdrid Deigo Semone uu shaagay in ay hici Doonto waxaa ka Dhacay  Portugal

 

jowhhhh

jowhhhhkulan ayaa ka dambeeyay ka dib markii qilaafaad hareereeyay ciyaaraha kubada cagta ee jowhar maalmihii dambe ka socday kaasi oo loogu magacdaray isdhaxgalka bulshadda.

Waxaana koobkaas ka biyadiiday inay ka qaybgalaan shankooxood iyagoona tirsaday cadaalad daro waxaan maamulka uu dhinaciisa sheegay in ay shantaan kooxood ay ganaaxeen four and five-na loogu qaaday kulamadooda.

Wuxuuna ibraahim caqiil gudoomiyaha magaaladda jowhar intaa ku daray in bari ay dhicidoonto kulan finaal ah oo ay ku hardamidoonaan kooxaha farjanno iyo nasiib iyadoo maamulkana uu cafis ugu dambayntii ufidiyay shantaas kooxood.

Finaalka bari dhicidoona marka laga soo tago ayaa waxaa soo baxay sideed kooxood oo ku soo baxay seria A oo kala ah farjano, alfurqaan, nasiib, soomaali arts, beetu raxma, sahan, iyo nation.

Bartamaha.com

Muqdisho–Somalia

rooney

rooney

Xiddigaha Man Utd ee Weyne Rooney iyo Jones oo uu wehliyo daafacda Liverpool ee Johnson ayaa laga saaray xulka Ingiriiska ee ciyaari doona kulamada isreeb-reenka koobka adduunka toddobaadka soo socda.

Rooney ayaa madaxa dhaawac kasoo gaaray isagoo seegay kulankii kooxdiisa Man Utd lagu garaacay ee Axaddii, Phil Jones ayaa dhaawac anqawga ah kasoo gaaray kulankii Man Utd iyo Liverpool, waxaana la wadaaga dhaawacaas Johnson oo Liverpool daafaca uga ciyaara.

Seddexda ciyaaryahan ayaa ka maqnaan doona xulka Ingiriiska labada kulan ee uu la kala ciyaari doono Maldova iyo Ukraine Jimcada soo socota iyo Talaadada ku xigta.

Difaaca 21 jirka ee kooxda Cardiff City Steven Coulker ayaa xulka looga yeeray.

BA Bartamaha

BA Bartamahademba-ba-chelsea-premier-league_2971815

Kooxda Arsenal ayaa Chelsea u dirtay dalab ay si amaah ugu dooneyso weeraryahankeeda Demba Ba.

Gunners ayaa ku dooneysa weeraryahankan reer Argentina amaah xilli-ciyaareedkan ah, balse waxay tartan kala kulmeysaa kooxda Roma ee dalka Taliyaaniga oo iyadana daneyneysa xiddiggan.

Demba Ba ayaanan taageero ka heysan macallinka cusub ee Chelsea Jose Mourinho, isagoo xataa aanan kursiga keydka lasoo fariisin labadii kulan ee u dambeysay ee kooxda isagoo caafimaad qaba.

Ciyaaryahanka ayaa sii quustay markii kooxda soo iibsatay Samuel Etoo, iyadoo horey u joogeen Fernando Torres iyo Lukaku.

 

Chelsea ayaa dooneysa in ay ugu yaraan si amaah ah ku dirto laacibkan 27 jirka ah si ay u yareyso mushaaraadka kooxda ay bixiso, balse waxay door bideysa in uu ku biiro koox aanan ciyaareyn horyaalka Ingiriiska.

Arsenal ayaa aad u daneyneysay Demba Ba bishii jannaayo ee sanadkan ka hor inta uusan ku biirin kooxda Chelsea.

Arsene Wenger ayaa raadinaya ugu yaraan weeraryahan cusub oo uu kooxda kusoo daro si uu u helo ciyaaryahan uu ku ilaaliyo Giroud oo bandhig fiican heysta billowga xilli-ciyaareedkan.

Waxaa muuqaaneysa in Jose Mourinho xilli ciyaareedka dambe joogi doonin Real Madrid iyadoo dhawaan uu u gacan haatiyay in uu aadayo halka laga jecel yahay , waxaana la tilmaamayaa in kooxdiisa hore ee Chelsea uu dib ugu laabanayo .

Wargeyska Daily Mail ayaa xusaya in Jose Mourinho uu u diyaar garoobayo in uu horay u soo jiito Xavi Alonso xiddiga qadka dhexe ee Real Madrid oo uu doonayo in Chelsea uu la yimaado .

Xavi Alonso ayaa lagu tirayaa ciyaartooyda ugu dhaw ee gacan saarka la leh tababarahaan Jose Mourinho oo dadaalkiisa isugu geynaya in mar kale horyaalka Ingiriiska uu ku soo celiyo balse markaan albaabka Chelsea .

Haddii ay dhacdo in Xavi Alonso arintaan uu ku dhiirado oo uu ku biiro Chelsea waxa uu sababayaa in si weyn ay uga caroodaan taageerayaasha Liverpool oo waqti sii horeeyay sheegay in ay laacibka ku soo dhaweeynayaan garoonka Anfield.

Xiddigaan reer Spain ee 31-sano jirka ah oo Liverpool sanadkii 2005-ta kula guuleystay Champion-ka ayaa dhamaanaya hishiiskiisa kooxda Real xagaaga 20014-ta , waxa uuna illaa iyo haatan diidan yahay in laba xilli ciyaareed uu ku daro hishiiskiisa.

Bayern

Munich ayaa si raaxo leh ku gaartay finalka Champions League ka dib markii ay garaaceen Barcelona labada lug ee semi-finalka iyagoo lugtii labaad ee caawa ka dhacday Camp Nou ku awood sheegtay 3-0, taasoo ka dhigeysa inay wadar ahaan kaga talaabsadeen 7-0.

Kooxda FC Hollywood oo lugtii hore ee Allainz Arena ku soo badisay 4-0 ayaana xaqiijisatay booskeeda finalka Champions League ee 25ka bisha May ka dhacaya Wembley, waxaana ay isku arki doonaan kooxda ay isku dalka yihiin ee Borussia Dortmund.

Barcelona ayaa ciyaarta ku soo gashay iyadoo xiddigooda Lionel Messi uu kursiga keydka ku bilowday, halka Bayern Munich uu u soo laabtay gooldhaliyahooda Mandzukic kaasoo ganaax ku maqnaa kulankii lugta hore.

Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay Bayern Munich daqiiqadii 12aad ee ciyaarta markii Javi Martinez uu kubad wacan u dhigay Robben oo ku jiray qeybta goolkiisa taasoo aan kubada ka dhigeynin offside, waxaana u suurogashay inuu galo xerada goolka Barca, laakiin intii uusan darbo la haweysay goolka waxaa taakal nadiif ah kubada kaga badbaadiyay Pique.

Bayern Munich ayaana qeybihii hore ee ciyaarta soo bandhigaysay kubado cajiib ah, iyadoo Gerard Pique uu mar kale kubad fiican ka difaacay Bayern ka dib baasas cajiib ah oo ay isweydaarsadeen Lahm, Müller, Robben iyo Schweinsteiger xerada goolka Barca dhexdeeda.

Daqiiqadii 24aad ayaa Blaugrana ay iyadana markeeda heshay fursad Pedro ayaana meel 30 yard u jirta goolka ka soo tuuray kubad gantaal aheyd, laakiin waxaa bixiyay goolhaye Manuel Neuer.

Karoos uu keenay Alves daqiiqadii 27aad ayaa waxaa taabtay Fabregas ka hor inta uusan Xavi oo 6 yard u jiray goolka uusan kubada goolka dushiisa marsiinin, waxaana ay aheyd fursad halis ah.

Waxaana ciyaar ilqabad laheyd oo la ciyaaray qeybtii hore ka dib lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Waxaana afar daqiiqo markii ay socotay ay Bayern Munich heshay goolkii muhimka u ahaa iyagoo hogaanka ciyaarta u qabtay, Arjen Robben ayaa dhanka midig ka soo galay ka hor inta uusan kubad qatar ah oo fantastik ah uu shabaqa dhex dhigay.

Arjen Robben ayaa ah ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Holland u dhashay ee Barcelona goolka uga dhaliya Camp Nou kulan Champions League ah tan iyo Cocu oo 1997dii shabaqa ka soo taabtay isagoo u ciyaarayay PSV.

 

Waxaana xaalada Barcelona ay ka sii dartay markii Bayern Munich ay heshay goolkoodii labaad ee ciyaarta, karoos uu soo dhigay Franck Ribery ayaa waxaa shabaqa iska geliyay Gerard Pique daqiiqadii 72aad ee ciyaarta.

Afar daqiiqo ka dib Bayern Munich ayaa ka dhigtay ciyaarta mid hal dhinac ah ka dib markii kubad uu soo qaaday Ribery uu madax ku dhaliyay Thomas Muller, taasoo ciyaarta ka dhigtay 3-0, islamarkaana hurdo dheer u dirtay ciyaarta.

Waxaana ay ciyaarta ku dhamaatay 3-0 oo ay guusha ku raacday kooxda martida aheyd taasoo ka dhigeysa inay labada lug wadar ahaan ku badiyeen 7-0, waxaana ay iska xaadireen finalka Champions League oo noqday German final iyagoo ku wajihi doona kooxda Dortmund oo xalay ka soo gudubtay Real Marid.

article-2317192-1993E04F000005DC-36_634x403

Bayern Munich ayay u tahay markii 3aad ee ay finalka Champions League gaarto afartii xilli ciyaareed ee u danbeysay, labadii jeer ee hore waxaa ka kala qaaday Inter Milan iyo Chelsea, iyadoo kii ugu danbeeyay ee xilli ciyaareedkii hore looga qaaday garoonkooda oo martigelinyay finalka.

Laakiin xilli ciyaareedkan labo koox oo Jarmal ah oo ka soo talaabsatay labada kooxood ee ugu waa weyn Spain ayaa isku arki doonaa London oo 25ka May uu finalka Champions League ka dhici doono.

26 sanno ayaana laga joogaa markii Barcelona koob Yurub ah looga saaray labada lug oo laga wada badiyay, waxaana markaasi sidaasi yeeshay Dundee United.

Macalinka kooxda Man City Roberto Mancini ayaa carabka ku adkeeyay in kooxdiisa aysan ka awood yareyn United inkastoo shalay qasaaro ah 3/1 ay kala kulmeen kooxdaTottenham .

Kooxda United ayaa caawa haddii ay ka badiyaan Aston Villa waxa ay City ka saramarayaan 16 dhibic waana farqi weyn oo horyaalka soo afjaraya halka xilli ciyaareedkii hore la soo afjaray cidda qaadeysa koobka maalintii ugu dambeysay ee horyaalka.

” Sheekada sedex ama afar todobaad ka hor ayay dhamaatay , balse Man United kama wanaagsana Man City ” ayuu Roberto Mancini ku yiri wariyaasha ka dib kulankii Tottenham .

” Man United waa mudan yihiin in ay qaadaan horyaalka , maxaa yeelay dibco badan ayaan qasaarin kulamo aysan City mudneen in laga badiyo halka United-na ay gaareen ujeedooyinkooda” ayuu sii raaciyay Mancini.

” Waxaan isku daynay in aan horyaalka qaadno balse ma dhicin , waxaa qasab nagu ah in aan u hambalyeeyno United” ayuu sii raaciyay tababaraha kooxda Man City ee Roberto Mancini .

John Terry ayaa  ku dooday in xiligaan uusan ka fikireyn arinta ku aadan in uu kordhiyo hishiiskiisa uu ugu joogo kooxda kaas oo dhamaanaya sanad ka dib , waxa uuna tilmaamay in haatan uu xoogga saarayo sidii kooxdiisa uga caawin lahaa in Champions League yimaadaan .

Kabtankii hore ee qaranka Ingiriiska John Terry ayaa hoos uga dhacay liiska line-up-ka ee tababare Rafael tan iyo markii uu soo gaaray dhaawcii cuslaa ee jilibka ee ka fogeeyay garoomada Novembert-tii hore iyadoo haatan uu shaki badan hareeyay mustaqbalkiisa ee Stamford Bridge .

Terry ayaa shabakada Sky Sports News ka yiri ” dhaawac culus ayaa horay ii soo gaaray taasina waxa ay in yar iga fogeeysay garoomada , waxaan xoogga saarayaa in aan si fudud ugu soo laabto heer ciyaareedkeyga , xiligaan iguma haboona xilli ciyaartooy kale ay si wacan u ciyaarayaan”.

 

” Waxaa muhiim ah in dadka ogaadaan in hishiiskeyga uu ka harsan yahay sanad , hishiis cusub kama fikarayo xiligaan , marka xilli ciyaareedka dhamaado markaas waa suura gal in wadahadal ka bilaawno arintaas , hishiis cusub aan saxiixo ama yaan saxiixin waxaan dadaalkeyga isugu geynayaa caawinta Chelsea” ayuu sii raaciyay.

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Bayern Munch Franck Rebary ayaa xaqiijiyay in Messi uusan la tartameyn naftiisa mooyee isla markaana uu ka sareeyo in la qiimeeyo , iyadoo hadalkaan soo baxayo ka hor kulanka Barcelona iyo Munich ee qeybta ka ah wareegga 4-ta ee Champions League.

Laacibkaan 30-sano jirka ah ayaa yiri ” Messi waa ku sareeyaa dhamaan qiimeynta weeraryahanada maxaa yeelay isaga uun ayaa naftiisa la tartamaya , ka dib inta soo hartay ayaa dhexdooda tartamaya “.

” Messi waa laacib halis ah , cid hor istaagi karta ma jiro , aad ayaan u tix gilinaa una qiimeynaa balse kama baqeyno , waxaana sugeynaa kulanka oo aan xamaasad iyo kalsooni aan u qabno , balse cabsi iyo wel wel ma aha’ ayuu sii raaciyay ” Franck Rebary.

Dhanka kale mar wax laga weydiiyay in uu ku laabanayo horyaalka Faransiiska gaar aaan kooxda PSG ayuu yiri ” PSG waa ay i daneynayaan sidoo kale madaxa ciyaaraha ee kooxda waa uu ila soo hadlay balse aniga haatan waxaan ku faraxsanahay PSG , waxaana rajeynayaa in aan ciyaaraha uga fariisto Bayern Munich .

Franck Rebary oo qaranka dalkiisa u matalay 72-kulan caalami ah ayaa sanadkii 2007-da kooxda Marseille uga gudbay Munich iyadoo funaanada Muncih uu ku xertay aduun gaaraya 25 milyan oo euro , waxa uuna hishiiskaas noqday mid ka mida ah hishiisyada ugu qaalisan horyaalka Jarmalka .

Luis Suarez ayaa waxa uu ganaax lacageed kala kulmay Liverpool qaniinyadii uu qaniinay daafaca Chelsea Branislav Ivanovic, laakiin kooxda ayaa qiratay inuusan ka tagi doonin Anfield.

Xiriirka kubada cagta Ingariiska FA-ga ayaa baaraya dhacdadaan la yaabka laheyd ee dhacday qeybtii labaad ee ciyaartii 2-2 ku dhamaatay ee labada kooxood ku dhexmartay Anfield shalayto, ka hor inta uusan dhalin goolka barbaraha xilligii dhimashada ciyaarta.

Suarez oo lagu ganaaxay 7 kulan markii uu qaniinay ciyaaryahan Bakkal xilligii uu joogay Ajax, ayaa ilkaha suray garabka Ivanovic ka dib markii labada ciyaaryahan ay isku yimaadeen.

Waxaana ciyaarta ka dib uu soo saaray raaligelin dadweyne, iyadoo kooxda Liverpool ay sheegtay in habdhaqankiisa aan la aqbali karin islamarkana aysan faa’ido u aheyn ciyaaryahan kasta oo xiran maaliyada Liverpool.

Haatan xiddiga reer Uruguay ayaa lagu ganaaxay lacag aan la shaacinin inta ay gaareyso, waxaana uu weydiistay inuu lacagtiisa siiyo dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay musiibadii Hillsborough taasoo ay ku dhinteen 96 taageerayaal Liverpool ah sannadii 1989kii.

Suarez ayaa ku soo qoray bogiisa Twitter: “Habdhaqankeyga aan la aqbali karin ee shalayto ka dib kooxda waxa ay i ganaaxday maanta, waxaana weydiistay inaan lacagta siiyo Hillsborough Family Support Group, madaama aan dhibaato u keenay taageerayaasha Liverpool iyo Ivanovic.”

Faisal_Aden

Somalian player Faisal Aden beat the record of FIBA points in national team with 59 points during the game against Rwanda for the Afrobasket zone V qualifiers.

In spite of its 59 points Somalia was defeated 83 to 88. Aden, the player of Washington State in NCAA added 10 rebounds, 3 assists and 7 steals in 39 minutes.

He beats the old record of 55 points detained by the Brazilian Oscar Schmidt during the Olympics of Seoul in 1988.

source : http://basket-infos.com

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kooxda United ay dadaal kama dambeys  ah ay ugu jirto in hishiis cusub la galaan xidiga hishiiskiisu sii dhamanayo ee Michael Carrick.

Sir Alex ayaa u arka Michael Carrick in uu mudan yahay in qanadaraas cusub lala galo maadaama heer ciyareedkiisu uu aad u wacan yahay ayna ka go`an tahay in uu nafta u huro kooxda man United.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in United qorsheyneyso in laacibnkaan uu kooxda la sii joogo illaa iyo xilli ciyaareedka 2014/2015-ka , waxaa uuna laacibkaa United sanadkii 2006-ga United uu uga yimid kooxda Tottenham.

Juvnentus aya si rasmi ah ugu guuleysatay in ay la soo wareegto laacibka Nicolas Anelka oo ka ciyaarayay horyaalka dalka Shinaha , waxa uuna xalay  maray baaritaanka caafimaadka .

Juventus oo haatan u muuqata in dhibco badan ay qasaariyeen oo  uu halis ku jiro hogaankeeda horyaalka ayaa haatan dooneysa in dhanka werrarka ay iska xoojiyaan iyadoo haatan kaliya ka sareeysaokooxda Napoli sedex dhibic.

Waxa ay Juventus shaaca ka qaadeen in uu safanayo kulamada ugu soo horeya ee horyaalka iyo kooxaha qaarada yurub , waxa ayna horay u doonayen Drogba iyo David  Villa laakiin kuma aysan guuleysan.

Tababarihii hore ee Chelsea aaya Roberto Di Matteo ayaa ku qal qaaliyay laacibka qadka dhexe ee Chelsea Frank Lampard in uu ku biiro kooxda Lazio marka uu qandaraska u dhamaado.

Roberto Di Matteo ayaa horay kooxda Lazio ugu soo ciyaaray sedex sano waxa uuna aaminsan yahaay in Lampard uu kooxdaas anfacayo.

Waxa uu tababaraahan reer Italy sheegayaa in uu aaminsan yahay in Frank illaa iyo laba xilli ciyareed uu la sii ciyaaro karo kooxda Lazio  oo qudhooda doonaya gool hayahaas.

Frank Lampard ayaa si weyn loola xariirinayaa in kooxda uu ka tagayo iyadoo xita maamulka ku war giliyeen in koox kale uu raadsado .

Wargeyska Sunday People ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa laga soo xiganayaa in kooxda Real Madrid uu hadafkooda koowaad yahay Wenger hadii Jose Mourinho uu kooxda ka huleelo.
Sida wargeyska uu tilmaamayo maamulka Madrid ayaa filaya in tababare Jose Mourinho uu kooxda ka tagayo, sdioo kale warkii dhawaan ka soo yeeray Wenger ee ahaa in maalmihiisii Arsenal ay ku dhaw yihiin dhamaad hadii qandaraaskiisa uu dhamaado ayuu wargeyskaan leeyahay waa xaqiiq.
Madaxa Real Madrid ayaa dhankiisa doonaya in uu hubsado in tababare magac leh uu ugu jiro kursiga keydka, waxa uuna u arkaa Wenger magaca weyn ee uu heli karo una badali kara Jose Mourinho oo warkiisa uusan fadhin.
Waxaa lagu waramayaa in Real maalinba tababare lala xariiriyo iyadoo warar horay u soo baxay sheegayeen in Real u aragto tababaraha Borussia Dortmund Jurgen Klopp in uu buuxin karo booska Jose sidoo kale xidigii hore ee Real Zinedine Yazid Zidane ayaa ka mid ah dadka u sharaxan in ay badali doonaan Jose .

Sign In

Register

Reset Your Password

Email Newsletter

cccc