Published On: Thu, Sep 22nd, 2011

Cayaaraha…

Share This
Tags

Dhanka cayaaraha ma idiin leexiyaa?.

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa ku amray tababare Andre Villas-Boas inuu soo safo ciyaartoy da’ yar kulanka Carling Cup-ka ee ay la ciyaarayaan kooxda Fulham.

Iyadoo in badan laga hadlay sida bilyaneerka reer Russia uu u doonayo Champions League, hadana Villas-Boas ayaa sheegay in kooxda ay dooneyso inay horumarin ku sameyso ciyaartoydeeda da’da yar.

“Waa falsafada kooxda, waa go’aan uu milkiilaha doonayo, in la horumariyo ciyaartoyda da’da yar” ayuu Villas-Boas u sheegay suxufiyiinta.

“Lakiin waxaa jirta mas’uuliyad ah in la isku dayo oo lagu guuleysto koobka”

Tababaraha reer Portugal ayaa sidoo kale farta ku fiiqay sida kooxda reer London ee Arsenal ay tusaale fiican ugu tahay habka ay ciyaartoydooda da’da yar ugu isticmlaan koobka Carling Cupka.

“Arsenal waxa ay sameyneysay muddo sannado ah. Waan ka hadli karnaa inay faa’ido laheyd iyo in kale, waxa ay gaareen sannadkii hore finalka, labo jeer kalena semi-final.  Waa muhim in ciyaartoyda da’da yar ay helaan dareen tartan ah”

“Koobka Carling Cupka waa fursad aan ciyaartoydeena ugu fiican ee da’da yar aan qibrad ugu raadineyno. Gabi ahaanba waa hab cusub sida aan sameynay sannadkii hore”

“Waxaan dooneynaa inay helaan fursadahan. Waa kulan adag madaama Fulham ay Premeir League ka ciyaarto waxaana ay feker fiican naga siin doontaa halka aan taaganahay”

Fekerkan cusub ayaa waxa uu siin doonaa ciyaartoyda sida Josh McEachran fursad ay boos kaga helaan kooxda koowaad ee Blues.




Comments

comments

Powered by Facebook Comments

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree

 



Bartamaha is a SMO Company [ Somali Multimedia Organisation ]  



Our Partners
Raxanreeb
Soomaalo

Somali Websites
Hiiraan
AllPuntland
Jowhar

Somali Radios
VOA Somali
BBC Somali

International
Al Jazeera English
Al Jazeera Eng. LIVE

CNN
New York Times
Time Mag
Newsweek
Huffington Post
Daily Mail


var tb_pathToImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/loadingAnimation.gif";var tb_closeImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/tb-close.png";