Calendar

Chelsea Oo Amaah Ku Dooneysa David Villa

Sida laga soo xigtay wargeyska Dail Mail  naadiga Chelsea ayaa u ruqansaday  dhanka David Villa oo ay ku doonayaan in qaab amaah ah  ay ku helaan xilli ciyaareedkaan .

Villa ayaa raba in uu dib u wanaajiyo heerkiisa ciyaareed balse ka qeyb gal wanagsan haatan kama haysto Barcelona taasi oo wel wel ka gilisay mustqabalkiisa ku aadan qaranka dalkiisa waayo hadii uu sidaan keyd uu ugu sii jiro xagga qaranka ayuu qasaaraya.

Haddii Chelsea si rasmi ah u dirto dalab lagama yaabo in uu diido waayo Chelsea waa koox weyn waxa uuna ka  helaaya ka qeyb gal wanaagsan , mana jiraan illaa iyo haatan war ka soo baxay barcelona oo ku aadan arinta laacibkaani .

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: