Calendar

Chelsea Oo Badelka Frank Lampard Ka Baadi koobeysa QPR.

Warar soo baxay aaya sheegaya in naadiga Chelsea ay dalab rasmi ah u direen kooxda QPR kaasi oo ay ku doonayaan in ay ka helaan lacibkoda reer Cameroon Stephane Mbia inta lagu guda jiro suuqa kala wareega ciyaartooyda.

 

Laacibkasi 26-sano jirka ayay Chelsea u arkaan in uu buuxin karo booska Frank Lampard oo ay kooxda dooneyso in ay ka taqalusaan iyadoo laacibkaan uu awood u leeyahay in uu adkeeyo xarunta qadka dhaxe iyo daafaca bartamaha .
Waxaa xusid mudan in laacibkaan Stephane Mbia uu ku biiray QPQ sanadkii 2012-ka iyadoo laga soo iibiyay kooxda Marsellia ee dala Faransiiska , waxa uuna kooxdiisa xilli ciyaareedkaan u saftay 14 kulan oo laba ka mid ah uu ku soo galay qaab badel ah.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: