Calendar

Ciida caraffo oo si weyn looga dabaal dagay Soomaaliya

Ciida Udxadda (Caraffo) ayaa si weyn looga ciiday guud ahaan wadanka Soomaaliya, magalooyinkkeeda kala duwan.

Dadweynaha ayaa saakay la arkay iyagoo si nabad ku dhisan iskugu soo baxay wadooyinka kala duwan ee magalooyinka Soomaaliya halkaasi oo ay uygu dabaal dagayeen ciida Udxada.

Masaajidyada waawayn ee Soomaaliya ayaa laga tujiyey salaadda ciid iyadoona ay shacabka ka muuqatay wajiyadooda farxad .

Magalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya in muddo aheed meel ay ka dhacayeen dagaalo ayaa looga ciiday si nabad ah iyadona aysen jirin wax qalalaaso ama dhibaato ah oo ka dhacay.

Goboladda dhexe ee Soomaaliya ayaa iyana lagu soo waramayaa in shacabka ay si weyn u ciidayn iyagoona ay wali socdaan dabaal daga maalinta ciida.

Goboladda Koofurta Soomaaliya ayaa iyana sidoo kale waxa looga ciiday si weyn iyadoona ay halkaasi dhawanahaan ka dhacayeen dagaalo ay iskaga soo horjeedayn ciidamada Huwanta iyo kooxda Al Shabaab oo meelo badan laga qabsaday.

Magalada Kismaayo oo 5-tii sano ee ugu danbeysay laga cidayay iyadoo gacanta ku hayaan kooxda Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay ciiday si wanagsan iyadoona laga saaray kooxda Al Shabaab dhawaan.

Deeganadda Puntland ayaa dadweynaha iskugu soo baxayn maalinta ciida sidii ay ugu dabaal dagi lahayeen maalinta farxadda leh, waxana masaajidda laga maqlayay takbiirta iyadoona ay kumanaan qof salaadda ciida tukadayn.

Si lamid ah ayaa ciida looga dabaal dagay deeganadda Somaliland halkaas oo magaaloyinka kala duwan ay dadweynaha iskugu hambalyeynayeen ciida Udxadda.

Waxa guud ahaan Soomaaliya ay dadweynaha iyo dadka dhaqaalaha haysta ay sameynayeen iney qalaan xoolo maadama ay cidan tahay mid si weyn loo qalo xoolo.

Waxa kale oo iyana jirey dad aan awoodin iney ciidan si wanagsan u dabaal dagaa, kuwaas oo aha kuwo ay saameysay abaaraha kuna jiro qaar badan xeryaha qaxootiga wallow ay jiren dad walalahoda Soomaaliyeed ah oo soo xasuustey oo hadiyado u geynayay si ay maalinta farxadda ee ciida kala qeyb qaataan.

Si kastaba ha ahaatee ciidan ayaa ah mid ay si weyn ugu dabaal dageen dadweynaha Soomaaliyeed eek u nool gudaha Soomaaliya.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: