Calendar

Ciidamada DF oo la wareegay Deegaano hoostaga Gobolka Gedo

Somali Army

BARTAMAHA – Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dagaal ay la galeen Al-shabaab Qeybo ka tirsan Gobolka Gedo kula wareegay Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Iska hor imaadkan  ayaa ka dhacay Deegaanada kala ah,Reys qode iyo Tuulo Barwaaqo oo hoostaga Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo,waxaana Dagaalka uu yimid ka gadaal Markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Weerarka qaadeen.

Sida Maxamed Xuseen Al-qaadi oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Ahlusunna ee Gobolka oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Al-shabaab laga qabsaday Deegaano ay hore ugu sugnaayeen.

Dagaalka oo Mudo socday ayaan la sheegin Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaaray Dhicayadii dagaalamay iyo waliba Dadka rayidkaa.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Latest Somali News.
« »

Comment: